4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 17, 2017
Dabley Caaqil ku dhaawacay degmada Laascaanood ee gobolka Sool

 

Arbaco, May, 17, 2017 (HOL)- Caqabad weyn ayaa ka hor timid wadahadal laba beelood uga qabsoomi lahaa Gobolka Sool kadib markii dabley hubaysan rasaas ku fureen Caaqil ka mid ah labada beelood habeenimadii Xalay.

Caaqilka oo lagu Magcaabo Maxamed Xaaji Ismaaciil ayaa lagu tilmaamaa dadka sida aadka ah ugu ololaynayey siddii loo soo afjari lahaa colaad mudo dheer u dhexaysey beeshiisa iyo beel ay wada degaan koonfurta degmada Laascaanood.

Caaqilka oo sida ay sheegeen dhakhaatiirta caafimaadka Laascaanood ay ku dheceen saddex xabadood ayaa loo qaaday dhinaca magaalada Hargeysa waxaana la sheegayaa in xaalkiisa uu haatan ka soo raynayo.

Lama sheegin dableydan hubaysan ee Caaqilka dhaawacay haybtooda, waxaase warar aan la xaqiijin sheegayaan in Caaqilku sheegay in uu garanayo cida rasaasta ku dhufatay.

Arintan ayaa timid waqti madax-dhaqameed aad u badan ay degaano kala duwan isaga yimaadeen sidii ay xal kamadambaysa ugu gaari lahaayeen xalaada cakiran ee ka taagan Koonfurta degmada Laascaanood.

Dhinaca kalena wasiirka arimaha gudaha Somallland Yaasiin Maxamuud Xiir ayaa soo gaaray shalay magaalada Laascaanood iyadoo la sheegayo in safarkiisa ku wajahnaa xaalada labadaas beelood xal u raadintooda.

Ilaa hada ma jirto cid ka hadashay aritan soo korodhay oo laga cabsi qabo in ay caqabad ku noqoto wadahadalada labada beelood waa haday cadaato in gacanta dhexdooda tahay

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G Sool