4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 26, 2017
Sagaal qof oo ku dhimatay Doon lagu dalxiiso oo ku dagtay dalka Colombia

Axad, June, 25, 2017 (HOL) –Sida laga soo xigtay booliska dalka Colombia ilaa sagaal qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dooni siday dad dalxiiseyaal ah oo ku quustay haro gacan ku sameys ah oo ku taal waqooyi galbeed dalka Colombia.

Doonida degtay oo lagu magacaabo Almirante ayaa la sheegay in axaddii ay quustay meel aan sidaa uga fogeyn magaalada dalxiiska loo tago ee Guatape, taa oo qiyaastii 45 km udhanka bari kaga beegan magaalada Medellin, waxaana la sheegay in la la'yahay 28 kale oo kamid ahaa rakaabka doontaasi.

Doonida degtay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen ilaa 150 qof, waxaana goobjoogeyaal ay warbaahinta u sheegeen in doonidu si dhaqsi ah u quustay.

Lama oga sababtay ka danbeeysay in doonidani rakaabka ah quusto, balse waxaa la sheegay in markii ay degtay kadib ay u gurmadaan doomo kale oo u dhawaa, kuwaa oo soo badbaadiyay qaar kamid ah dadkii saarnaa doonida.

Dowladda dalkaasi ayaa diyaarado nooca Helicopters-ka ah iyo weliba quuseyaal u dirtay halka uu degtay doonida, si loo baadi goobo dadka la la'yahay.

20 qof oo kamid ah dadkii lasoo badbaadiyay ayaa loola cararay isbitalka halkaa oo lagula tacaalayo xaaladooda cafimaad.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.