4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 26, 2017
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo shacabweynaha kula tukadday magaaladda Hargeysa Shalay Ciida

Isniin,Juun, 26, 2017 (HOL)-Dhamaan umadda islaamka ayaa si weyn ugu dabaaldegtay maalinta ciidal Fidriga,isla markaana waxa si weyn looga dareemay dhamaan dhulka Soomaalidda.

Dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaa isku salaamayey ciid mubaarak iyo ciid wanaagsan, waxaanay dadweynuhu iskugu yimaadeen garoomada waaweyn ee magaaladda Hargeysa.

Madaxwayneku-xigeenka Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku-simaha Madaxwayanaha ayaa qaar kamida dadwayanaha ku dhaqan magaalada hargaysa kula soo tukaday salaada ciidal fidriga masjid jaamaca wayn ee magaalada hargaysa .

Madaxwayneku-xigeenka oo khudbad u jeediyay bulshada ayaa ugu hambalyeeyay munaasibada ciidal fidriga, isagoo Madaxwayne ku-xigeenku khudbadiisa kaga hadlay wadahadaladii u socday Khaatumo iyo Somaliland ee dhawaan ay ka soo baxeen go'aamadii lagu heshiiyey ee hordhaca ahaa, waxaana uu sheegay Madaxwayne ku-xigeenku in xukuumadda uu hogaamiyo Madaxwayne Axmed Siilaanyo ay dalka ku wado muslaxad iyo isu soo jiidista bulshada Somaliland.

"Aad baan idiinku hambalyaynayaa munaasibada ciidul fidriga awgeed, waxa kale oo aan jecelahay in aan ka hadlo heshiiska ay wada galeen Xukuumadda Somaliland iyo Khaatumo, waxa jira dad mixnad ka dhex abuuraya heshiiskaa ama xageenan ha joogaan ama kuwii iyaga la joogay ha ahaadeene, waxaan aaminsanahay inay heshiiskaasi uu ahaa heshiis qaran" ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku sheegay.

Ugu danbayntiina waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku soo noqday qasriga madaxtooyada Somaliland, halkaasina waxa uu ku qaabilay qaar ka mid ah shacbiga Caasimada oo ku soo bookhday Madaxtooyada.

Dhinaca kale, gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isna dadweynaha magaaladda Boorama kula tukaday masaajid ku yaala badhtamaha magaaladda, waxaana dhamaan dadweynaha ka muuqday farxad iyo badhaadhe.

Dunida islaamka ayaa maanta oo kale u tahay maalin weyn, isla markaana ay soo dhamaysteen bishii barakadda badnayd ee Soonka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online [email protected]

Hargeysa, Somaliland.