4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 25, 2017
Raysul wasaare Khayre oo ciidda ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed, kana dalbaday wada shaqeyn

Axad, June, 25, 2017 (HOL) –Raysul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa bulshaweynta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasibadda ciidda barakeeysan ee ciidul Fitriga, ayadoo raysul wasaaruhu u rajeeyay bulshada Soomaaliyeed in Alle ka aqbalo soonkii iyo cibaadadii bishii barakeysnayd ee Ramadaanka.

Raysul wasaare Khayre ayaa u rajeeyay bulshada Soomaaliyeed in ay ciiddan tan xigta ku gaaraan nabad iyo baraare, isagoo sheegay in dowladdu wado dadaallo qaran oo la doonayo in lagu soo celiyo xasiloonida dalka.

Waxa uu sheegay in ciiddan kusoo beegantay ayadoo waxyaalo badan ay dowladdu ka qabatay dhanka ammaanka dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, isagoo intaa ku daray in geedi socodka dhismaha hay'adaha dowladda iyo soo celinta nabad gelyada ay mareeyso meel wanaagsan, islamarkaana uu dalku sanad walba tallaabo hore u qaado, dibna aan loo noqon doonin.

Mar uu ka hadlayay qorshaha dowladda ee dhinacyada amniga iyo wada shaqeynta shacabka iyo ciidanka, ayuu bulshaweynta Soomaaliyeed Raysul wasaaruhu ka dalbaday in ay la shaqeeyaan dowladda, isagoo sheegay in ciidamadu aysan keligood sugi karin ammaanka hadii aysan garab ka heeysan shacabka.

Raysul wasaare Khayre ayaa ugu baaqay kooxaha kasoo horjeeda dowladda in ay ka waantoobaan falalka ay ka geeysanayaan dalka, ee lagu dhibaateeynayo shacabka, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la hadasho cid walba oo nabad dooneeysa.

Waxa uu ugu baaqay dhalinyarada ka barbar dagaalanta Al-shabaab in ay dowladda dhankeeda soo maraan, isagoo sheegay in ay soo dhaweyn doonaan, iyagana laga doonayo in ay ka faa'iideystaan waqtiga ka harsan mudadii loo asteeyay in ay isku soo dhiibaan.

Muslimiinta ku nool daafaha caalamka ayaa maanta u dabaaldegaya maalintii 1-aad ee ciidda barakeeysan ee Ciidul Fitriga.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.