3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 24, 2017
Maamulka Koonfur-galbeed oo sheegay in uu soo dhoweynayo Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur

 
Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Wasiirka Warfaafinta maamulka koonfur-galbeed ee Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin xiriir toos ah oo ka dhexeeya koonfur-galbeed iyo Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur.

“Hadda annaga kama warqabno halka uu ku suganyahay Roobow, wax weyn oo hadda aan is leenahay wuu ku hayay gobollada koonfur-galbeed ma jirto, sanadihii lasoo dhaafay waxaa uu iska ahaa nin qunyar socod ah”, ayuu yiri wasiirka.

“Annaga Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur iyo kuwa kale ee Al Shabaab-ka ah ee diyaarka u ah in ay kala qeyb-qaataan dib-u-dhiska iyo hormarka dadka Soomaaliyeed intaba waan soo dhoweyneynaa”, ayuu sii raaciyay halkiisa.

Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shaley oo jimco aheyd ku dhawaaqdey in ay ka saartey liiska dadka lacagta hore ay u dul-dhigtey ku-xigeenkii Alshabaab, Muqtaar Roobow Abu Mansoor oo wayadanba si gaar ah u joogay gobolka Bakool.

Shan sano ka hor, bishii June ee 2012 ayaa la saarey madaxa Abu Mansoor 5 Malyan oo doolarka Mareyka ah. Khuburada ka faaloota Al-shabab iyo arrimaha gobolka ayaa u arka tani in ay tahay, in dowlada Mareykanka aysan hab ciidan oo kaliya ku wajahaynini dagaalka ka dhanka ah Al-shabab. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
6/24/2017 10:46 AM EST
Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Mas’uuliyin iyo saraakiil ka kala tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, maamulka Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa deegaanka Banyaaley ee gobolka Hiiraan ayaa heshiis hor dhac ah ka gaaray dagaal halkaa ku dhaxmaray maleeshiyaad ka soo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

6/24/2017 8:01 AM EST
Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa magaalladda Kampala kula kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

6/24/2017 5:38 AM EST
Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Ciidamada ammaanka ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa fashiliyay waxa ay ku tilmaameen weerar argagixiso ay qorshaynaysay in ay ku bartilmaameedsadaan misaajidka barakaysan ee Maka.

6/24/2017 5:24 AM EST
Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Ugu yaraan 140 qof ayaa la la' yahay kadib buur kusoo duntay deegaan ka tirsan gobolka Sichuan ee koonfur-galbeed Shiinaha.

6/24/2017 4:59 AM EST
Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Saddex Qarax ayaa sagaal maalmood gudahooda ka dhacay magaalladda Muqdishu, oo intooda badan ay ku dhinteen dad shacab ah.

6/24/2017 2:24 AM EST
Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa ugu baaqayaa dalalka martigeliya Qaxootiga Soomaalidda in ay siiyaan fursado lamid ah kuwa ay dadkooda siiyaan, ayna u oggolaadaan Qaxootiga in ay is hormariyaan.