4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 23, 2017
Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay ku-xigeennada maamulka Sh/dhexe iyo kan Jowhar

 
Jimco, June, 23, 2017 (HOL) –Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowlad-Gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa lagu dhameystiray xubnaha Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe ee heer Gobol, iyadoo Madaxweynaha uu horey u magacaabay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Mudane Axmed Meyre Makaraan, waxaana hadda gabi ahaanba la dhameystiray maamulka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa magacaabay Maamulka Magaalladda Jowhar ee Xaruta Gobolka Shabeelaha dhexe, waxaana Xilalkii laga qaday Dhamaan Xubnaha Maamulka Degmada oo uu ugu horeeyo Guddoomiyihii Degmada Jowhar.

Hadaba halkan ka aqriso wareegtadda:- 

 

 

 

 

Hiiraan Online,
Mustaf Hussein
Mogadishu,Somalia