4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 23, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirka arrimaha qaxootiga ee magaalada Kampala


Jimco, June, 23, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kamid ah madaxda ka qeyb galaysa Shirka Isgarab-taagga Uganda ee Qaxootiga, ayaa ku baaqay in qaxootiga Soomaaliyeed la siiyo fursado ay uga shaqeysan karaan dalalka ay martida u yihiin si ay noloshooda u hormariyaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tusaalle u soo qaatay sharciyada horumarsan ee ay dowladda Uganda u dejisay qaxootiga, kaas oo siiyay qaxootiga Soomaaliyeed fursado ay kula falgeli karaan dadka ay martida u yihiin.

“Waxaan maanta la kulmay ganacsato Soomaaliyeed oo deggan magaalada Kampala, kuwaas oo ii sheegay, in ay haystaan xornimo ay ku ganacsadaan, guryo ku iibsadaan, ugana qeyb qaataan horumarka dhaqaale waddankan. Taasi waxay mar kale caddeyn u tahay in Soomaalidu ay yihiin dad leh adkeysi iyo hal abuur ganacsi.”ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in horumarka ay ku tallaabsadeen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan ay muujineyso soo dhaweynta iyo martigelinta wanaagsan ee ay kala kulmeen dadka reer Uganda.

“Waxaan ugu baaqayaa dalalka martigeliya qaxootiga in ay siiyaan fursado lamid ah kuwa ay dadkooda siiyaan, ayna u ogolaadaan qaxootiga in ay is hormariyaan,''ayuu yiri Madaxweynaha.

Uganda ayaa haatan martigelisa qaxootiga ugu badan qaaradda Afrika oo tiro ahaan ku dhaw hal milyan. Qaxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha dalkan ku jira ayaa iyagana lagu qiyaasaa in ay ku dhawyihiin 50 kun, kuwaas oo intooda badan ku nool xeryo qaxooti oo ku yaalla Galbeedka dalkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]