4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 23, 2017
Madaxwene Farmaajo oo u sheegay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Uganda in ay ka qeyb galaan dib-u-dhiska dalkooda

 

Jimco, June, 23, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa shalay magaalladda Kampala ee caasimada dalka Uganda kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.

Ujeedka kulanka waxaa uu ahaa sidii Jaaliyadda Soomaaliyeed ay u la wadaagi lahaayeen, fursadaha ay haystaan iyo caqabadaha ay tabanayaan.

“Madaxweynaha waxaan u sheegnay in aan dooneyno in dalka nabad uu noqdo si aan ugu wada noqono, waxa keliya ee caqabada ah ee Soomaalidda heysta waxaa ay tahay amni darrada ka jirta dalka, sidoo kale Madaaxweynaha waxaan u sheegnay in dhallinyarada shaqo loo abuuro, si ay uga baaqsadaan in ay tahriib aadaan”, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay Mustaf Maxamed Cali oo ka qeyb-galay kulankii Farmaajo iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Uganda.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda uga warbixiyay xaaladaha guud ee uu dalku ku suganyahay, waxaana uu kula dardaarmay Jaaliyadda in ay ka qeyb galaan dib-u-dhiska dalkooda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay ku shaqeyneyso rabitaanka shacabka, isla markaana Jaaliyadda looga baahanyahay inay door muuqdo ku yeeshaan dib u dhiska dalka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somali