4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2017
100 qof oo lagu dilay dagaallo diimeedyo ka dhacay Afrikada Dhexe

 
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL)–Ugu yaraan 100 qof ayaa lagu dilay dagaallo diimeedyo  ka dhacay magaalladda Bria oo ku taalla bariga dalka Afrikada Dhexe.

Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in ugu yaraan 35 qof ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay Jamhuuriyada Afrikada Dhaxe maalin uun ka dib markii heshiis xabad joojin ah ay kala saxiixdeen dowladda iyo kooxaha mucaaradka.

Maalintii Talaadada ayay ahayd markii xabad joojin lagu saxiixay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kaasoo u dhaxeeyay xukuumada Bartamaha Jamhuuriyadda Afrika iyo kooxaha falaagada ah ee dalkaasi.

Xabad joojinta oo si dhaqso ah u dhaqan geleysay ayaa waxay dhabaha u xaareysaa in mucaaradka laga qeybgeliyo geedi-socodka nabadda iyo siyaasadda, si ay iyaguna rabshadaha u soo afjaraan.

Heshiiskan waxaa garwadeen ka noqday kaniisada katooliga ah waxaana looga gol lahaa in lagu soo afjaro mudo dhowr sano ah oo ay dalkaasi ka socdeen rabshado ku salaysan Diimaha.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia