4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 21, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wiil 12-jir ah oo kusoo guuleystay Tartankii Qur’aanka ee dalka Tanzania

 

Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) - Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay galabta madaxtooyadda Soomaaliya ku qaabilay Maxamed Cabdullaahi Aadan oo kaalinta koowaad ka soo galay tartankii Qur’aanka kariimka ee lagu qabtay waddanka Tanzania gaar ahaan magaalladda Daar-es-salaam.

Maxamed oo 12-jir ah, ayaa waxaa uu soo jiitay indhaha Soomali badan oo dalka iyo dibadda ku nool, waxaana tan iyo markii uu guuleystay ay usoo dirayeen hambalyo iyo bogaadin.

Mudane Farmaajo, ayaa Maxamed uga mahadceliyay guusha uu gaaray waxaana uu ku dhiirageliyay in uu ahaado mid siida wada guulaha uu garayo.

Dhinaca kale Soomaali badan oo baraha Bulsha isticmaasha ayaa madaxweynaha ku amaanay dhiiragelinta uu u muujiyay wiilka 12-jirka ah ee lagu qaabilay xaruunta Madaxtooyada. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia