3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 21, 2017
Kheyre oo isugu yeeray laamaha ammaanka kadib Qaraxii Al Shabaab ay ku weerareen xarunta degmada Wadajir

 
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) -Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay kulamo deg-deg ah la qaatay saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka, kadib Qaraxii shalay Al Shabaab ay ku weerareen xarunta degmada Wadajir.

Mudane Kheyre, ayaa saraakiisha amniga u sheegay in aan loo dulqaadan karin in Al-shabaab ay helaan Fursad ay Shacabka ku waxyeeleyn karaan, isaga oo xusay in ciidamada ammaanka laga doonayo in ay si adag uga hortagaan dhacdooyinka nuucaan oo kala ah ee ay Al Shabaab geystaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Ra’iisul wasaaraha waxaa uu isugu yeeray dhamaan laamaha amniga, ujeedaduna waxaa ay aheyd falalka noocaan oo kala ah sidii cashar looga baran lahaa iyo wixii loo qaban lahaa dadkii waxyeeladu ay soo garatay.  Wasiirka amniga iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyagana waxaa ay tageen goobiha si ay ugu kuurgalaan waxaana ay booqdeen dadkii dhaawacyada qabay ee isbitaallada la geeyay, sidoo kale wasiiradda caafimaada waxaa ay booqatay dhaawacyada”, sidaasi waxaa yiri wasiirka warfaafinta oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaday shacabka in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka.

Dhinaca kale saraakiisha amniga Dalka ayaa Ra’isul Wasaare kheyre uga warbixiyey sida uu u dhacay qarixii ka dhacay xarunta degmada Wadajir iyo baaritaanada dheeriga ee la xiriira qarax oo ilaa iminka socdo.

Tan iyo markii la bilaabay howlgallada xasililinta amniga caasimada, waxaa Muqdishu ka dhacay laba qarax oo lagu dilay dad ka badan 40 qof.

Qaraxii ugu horeeyay waxaa lagu weeraray maqaayada Pizza House halka midkii labaadna uu ahaa kii shalay lagu weeraray xarunta degmadda Wadajir, waxaana labada Qarax sheegatay Al Shabaab.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia















Click here
6/21/2017 12:24 PM EST
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) - Munaasibad xilka loogu kala wareejinayo taliyihii qaybta booliska iyo taliyaha haatan loo soo magcaabay ayaa lagu qaybtay qaybta booliska gobolka Sool ee Laascaanood.

6/21/2017 6:38 AM EST
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) – Maxkamada darrajada koowaad ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saakay xukuno isugu jira dil iyo xabsi daa'in ku riday Sedex dhalinyarro ah ku eedeysnaa in masjid ku yaala magaalada ku dhax toogteen todobaadkii hore wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamed Deer.

6/21/2017 5:25 AM EST
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) - Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa xalay magaalladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ka kooban 7 qof.


6/21/2017 4:49 AM EST
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) - Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay galabta madaxtooyadda Soomaaliya ku qaabilay Maxamed Cabdullaahi Aadan oo kaalinta koowaad ka soo galay tartankii Qur’aanka kariimka ee lagu qabtay waddanka Tanzania gaar ahaan magaalladda Daar-es-salaam.

6/21/2017 4:43 AM EST
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) Ciyaartooy iyo tababarayaal Soomaaliyeed oo ka qaybgalay ciyaarahii magaalooyinka ee dhawaan lagu soo gabgabeeyay Magaaladda Nairobi ayaa shalay ka soo dagay magaaladda Minneapolis,iyadoo ciyaartooyda ku ciyaaraysay magaca caasimada Muqdisho ay ka kala yimaadeen Magaaladda Muqdisho Toronto iyo Minneapolis

6/21/2017 4:26 AM EST
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) – Xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloosan dalalka Khaliijka ayaa u muuqata mid xilgan saameyn adag ku yeellatay xitaa dadka xoola dhaqatada ah, kaddib markii dowladda Sacuudiga ku amartay muwaadiniinta u dhalatay dalka Qatar in mudo 14 cisho ah uga baxaan dalkeeda.

6/21/2017 3:55 AM EST
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) – Maxkamada darrajada koowaad ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo heystay saddex eedeysane oo la sheegay in ay ka danbeeyeen dilkii wadaad caan ka ahaa magaalada Baydhabo.

6/21/2017 3:43 AM EST
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) - Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa wax ka beddellay qaabka dhaxalka Boqortooyada, isagoo wiilkiisa, Maxamed Bin Salmaan, ka dhigay ninka dhaxli doona boqornimada.

6/21/2017 3:34 AM EST
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in xal nabadeed laga gaaro muranka dhanka xuduuda ee u dhaxeeya dalalka Eritrea iyo Jabuuti, kaddib markii ciidamo nabad ilaalin oo ka socday Jabuuti ay todobaadkii hore isaga baxeen aagga dhuleed ee muranka ka jiray.