3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2017
Faah faahin : Weerar Ismiidaamin ah oo goor dhaw lagu qaaday xarunta degmada Wadajir

Talaado, June, 20, 2017 (HOL) --  Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo goor dhaw lagu qaaday  xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana wararka hor dhaca ah ee soo baxaya sheegayaan in uu halkaa ka dhashay khasaare ballaaran isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa la sheegay in lagu dhuftay ilinka hore ee xarunta degmada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen meydadka ilaa 10 ruux oo isugu jira askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo dad rayid ah oo goobta ka agdhawaa, walina waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerarka.

Ma jirto illaa iyo hadda cid ka tirsan maamulka degmada ama dowladda oo ka hadashay Qaraxan oo dhacay Abaare 1:00 duhurnimo ee maanta.

Xarunta degmada ee la bartilmaameedsaday ayaa ku dhaw suuqa ugu weyn degmada Wadajir, oo waqtiga uu qaraxa dhacay dadku siweyn uga tukaameysanayeen.

Wixii warar ah ee kale waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/20/2017 12:47 PM EST
Talaado, June, 20, 2017 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa si kulul u cambaareeyey qarax ismiidaamin ahaa oo lagu weeraray xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

6/20/2017 10:03 AM EST
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Bosaso ku soo bandhigay rag ka soo goostay Daacish oo dhawaan isku soo dhiibay ciidamada Puntland ee fadhigoodu yahay Buuraha Cal-Bari ee gobolka Bari.

6/20/2017 9:45 AM EST
Talaado, June, 20, 2017 (HOL) -- Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosobole ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii maaliyada Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere]

6/20/2017 7:17 AM EST
Talaado, June, 20, 2017 (HOL)- Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ah duhurnimadii maanta lagu qaaday xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

6/20/2017 6:05 AM EST
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Qarax xooggan ayaa ka dhacay nawaaxiga xaruunta degmada Wadajir oo aan ka fogeyn suuqa weyn ee degmada Wadajir.

6/20/2017 4:36 AM EST
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) – Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay daabacaadda buuggaagta manhajka waxbarshada Qaranka ee Soomaaliya.

6/20/2017 3:36 AM EST
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in uu u mahacelinayo ciidamada amniga oo shalay gacanta ku dhigay madaxii Amniyaadka Al Shabaab ee Gobolka Banadir.

6/20/2017 3:15 AM EST
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ballanqaaday xanaaneeynta carruurta agoonta ee ku jira xarun ku taalla degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

6/20/2017 2:57 AM EST
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Dowladda Qadar aya sheegtay in aysan wax wada hadal ah la geli doonin dowladaha carbeed ee xiriirada dhinacyada dhaqaalaha iyo safarka u jaray ilaa ay ka laabanayaan go’aankaasi lagu go’doominayo, sida laga soo xigtay wasaaradda arimaha dibadda dalkaasi.

6/20/2017 2:42 AM EST
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ayaa sheegay in Ciidamada amniga Puntland ee loo yaqaano (PSF), ay bur-buriyeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Al Shabaab oo ku yaalla Buuraha Cal Madow.

6/20/2017 2:38 AM EST
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Ilaa sideed nin oo laba kamid ah ay kasoo jeedaan dalka Iiraan, lixda kalena ay u dhasheen Hindiya islamarkaana sitay doono nooca kalluumeysiga ayaa shalay gelinkii danbe lagu xiray xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo.