4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2017
Qarax xooggan oo ka dhacay degmada Wadajir

 
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Qarax xooggan ayaa ka dhacay nawaaxiga xaruunta degmada Wadajir oo aan ka fogeyn suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Goob-joogayaal ayaa Hiiraan Online u sheegay in qaraxa uu ahaa mid xajmigiisa uu aad u weynaa.

Xaruunta degmada wadajir ayaa waxaa ay aad ugu dhowdahay Suuqa weyn ee degmada wadajir, oo ah suuqa ugu ballaaran ee degmadaasi.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxaana ciidamo ka tirsan maamulka degmadda ay hadda ku suganyihiin goobtii qaraxa uu ka dhacay.

Qaraxan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xili Al Shabaab todobaadkii hore weerar ay ku qaadeen Makhaayada Pizza House ee degmada Hodan, halkaas oo ay ku geeryoodeen inkabadan 20 qof.

Wixii kusoo kordha halkan kala soco:- 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia