3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2017
Farmaajo oo damaanad qaaday nolosha carruur agoon ah oo ku xareysan xarun ku taalla Afgooye

 
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ballanqaaday xanaaneeynta carruurta agoonta ee ku jira xarun ku taalla degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xaruunta ay hadda ku xareysanyihiin carruurtan ayaa waxaa gacanta ku haya oo maamulla ciidanka Asluubta ee dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur, ayuu Madaxweynaha u soo wakiishay in uu ku wareejiyo lacag loogu talagalay inay ku ciidaan carruurta agoonta oo ahayd Ex-xarunta agoonta gabdhaha ee Kacaan, waxaana canugiiba la siiyay $110 dollar.

“Waxaan halkan u nimid markii ugu horeysay anagoo wakiil ka ah Madaxweynaha Soomaaliya deeq lacageed oo naloogu soo dhiibay inaan ku wareejino carruurtan oo hadda halkan ku fadhiya 170 canug, tiradoodu guudna ay tahay 180, canug, laakiin toban ka mid ah ay xanuuno kala duwan ugu maqanyihiin, canugiiba aan u keenay boqol iyo toban dolar oo isugu jirta ciid iyo waxyaabo kale oo ay ka dhigtaan nooli, waxaana kaloo rabaa in aan halkan ka cadeeyo aniga oo ku hadlaya magacaga Madaxtooyada in wixii maanta ka dambeysa nolosha carruurta ay Madaxtooyada qaabileyso bilkasta”. ayuu yiri Cabdinuur.

Dalka Soomaliya waxaa ku nool carruur badan oo ku agoomooway dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay, waxaana intooda badan ay yihiin kuwo ay ku yartahay helidda daryeel caafimaad iyo mid waxbarasho intaba.

Dhinaca kale Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa Talaadadii $22,000 u ballan qaaday college lagu xanaaneeyo agoonta oo ku yaaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Deeqdan ayaa ujeedkeedu yahay in agoonta dhigata iskuulkaas looga iibiyo cunno iyo agabka waxbarashada  iyada oo ay foodda inagu soo hayso munaasabadda ciidda ee bisha barakeysan ee Ramaadaan kadib.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Ambassador Qin Jian, ayaa u sheegay wakaalladda wararka ee dalka Shiinaha ee Xinhua in caawintaasi loola jeedo in la taakuleeyo agoonta iyo carruurta kale ee qoysaska danta yar kasoo jeeda ee ku jira xaruunta Bondheere Orphanage, halkaas oo ay ku xareysanyihiin in kabadan 300 oo gabdhood.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
6/20/2017 12:47 PM EST
Talaado, June, 20, 2017 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa si kulul u cambaareeyey qarax ismiidaamin ahaa oo lagu weeraray xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

6/20/2017 10:03 AM EST
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Bosaso ku soo bandhigay rag ka soo goostay Daacish oo dhawaan isku soo dhiibay ciidamada Puntland ee fadhigoodu yahay Buuraha Cal-Bari ee gobolka Bari.

6/20/2017 9:45 AM EST
Talaado, June, 20, 2017 (HOL) -- Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosobole ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii maaliyada Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere]

6/20/2017 7:17 AM EST
Talaado, June, 20, 2017 (HOL)- Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ah duhurnimadii maanta lagu qaaday xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

6/20/2017 6:51 AM EST
Talaado, June, 20, 2017 (HOL)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo goor dhaw lagu qaaday xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana wararka hor dhaca ah ee soo baxaya sheegayaan in uu halkaa ka dhashay khasaare ballaaran isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

6/20/2017 6:05 AM EST
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Qarax xooggan ayaa ka dhacay nawaaxiga xaruunta degmada Wadajir oo aan ka fogeyn suuqa weyn ee degmada Wadajir.

6/20/2017 4:36 AM EST
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) – Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay daabacaadda buuggaagta manhajka waxbarshada Qaranka ee Soomaaliya.

6/20/2017 3:36 AM EST
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in uu u mahacelinayo ciidamada amniga oo shalay gacanta ku dhigay madaxii Amniyaadka Al Shabaab ee Gobolka Banadir.

6/20/2017 2:57 AM EST
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Dowladda Qadar aya sheegtay in aysan wax wada hadal ah la geli doonin dowladaha carbeed ee xiriirada dhinacyada dhaqaalaha iyo safarka u jaray ilaa ay ka laabanayaan go’aankaasi lagu go’doominayo, sida laga soo xigtay wasaaradda arimaha dibadda dalkaasi.

6/20/2017 2:42 AM EST
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ayaa sheegay in Ciidamada amniga Puntland ee loo yaqaano (PSF), ay bur-buriyeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Al Shabaab oo ku yaalla Buuraha Cal Madow.

6/20/2017 2:38 AM EST
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Ilaa sideed nin oo laba kamid ah ay kasoo jeedaan dalka Iiraan, lixda kalena ay u dhasheen Hindiya islamarkaana sitay doono nooca kalluumeysiga ayaa shalay gelinkii danbe lagu xiray xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo.