3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2017
Taliyaha Militariga oo furay waddooyinkii xirmay ee Gaalkacyo

 

Sabti, December, 16, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Taliyaha Militariga C/wali Jaamac Gorod iyo Taliyaha Ciidamada Puntland Saciid Dheere ayaa saaka ka bilaabay magaalada Gaalkacyo furitaanka waddooyinkii ku xirmay dagaalada.

Ololaha wado furista ayaa ka dhashay gogol nabadeed oo uu fidiyay Taliyaha Milateriga Jen. Gorod, kaasoo shalay ka furmay magaalada Gaalkacyo, waxaan ujeedka gogoshan nabadeed uu ahaa sidii dib u heshiisiin dhab ah u dhex mari laheyd bulshada wada degta Gaalkacyo oo dhowr jeer oo hore dagaalo soo noq-noqday u dhex maray.

Jid furida ayaa ka bilowday dhanka Koofur ee magaalada Gaalkacyo, halkaasoo laga qaaday dhagxaan wadada lagu gooyay

Waddooyinka saaka la furayo ayaa waxaa ka mid ah waddada isku xirta labada dhinac ee magaalada iyo kuwo kale oo lagu gooyay dhagxaan, isla markaana ka mid aheyd aagagii lagu dagaalamay.

Taliyaha Ciidamada Milateriga Jen. Gorod ayaa sheegay in waddooyinka la furay ay bilow u noqon doonaan is dhex galka bulshada wada degan magaalada, waxaana uu rajo ka muujiyay in xaalada nabadgelyo ee magaalada ay noqoto mid horseeda horumar iyo barwaaqo.

Maleeshiyaad kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa dhowr jeer oo hore dagaalo ugu dhex maray magaalada Gaalkacyo, waxaana dagaaladan ay salka ku hayeen muran dhul iyo arrimo kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/16/2017 12:21 PM EST
Sabti, December, 16, 2017 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in ay isku ogaayeen tallaabadii dowladda Mareykanka ay ku joojisay dhaqaalihii ay ku bixin jirtay ciidamada militariga Soomaaliya.

12/16/2017 10:50 AM EST
Sabti, December, 16, 2017 (HOL) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cabdwali Jaamac Gorod ayaa sheegay in marnaba wax saameyn ah ku yeelan doonin ciidamada militariga lacagta uu ka joojiyay Mareykanka.

12/16/2017 9:57 AM EST
Sabti, December, 16, 2017 (HOL) –Ciyaartooyada xulalka kubadda cagta Jubbaland iyo Galmudug ayaa wada dheelay cayaartii ugu danbeeysay ee (Group-ka A), waxaana cayaartii dhexmartay labada koox ay ahayd mid soo jiidatay dareenka dadkii daawanayay, maadaama labada kooxood ay soo bandhigeen cayaar wanaagsan.

12/16/2017 9:49 AM EST
Sabti,December, 16, 2017 (HOL)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulankii ugu horeeyey la yeeshay golihiisa wasiiradda ee cusub, waxaana shirkaasi laga soo saaray toddoba qodob oo iyaga khuseeya.

12/16/2017 9:23 AM EST
Sabti, December,16, 2017 (HOL)-Mudaneyaasha oo mudo laba bilood ah ku maqnaa gobolka Gedo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Kismaayo, ayadoo garoonka diyaaradaha magaalada ay kusoo dhaweeyeen xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Jubbaland.

12/16/2017 8:23 AM EST
Sabti, December,16, 2017 (HOL)- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta soo xiray Kalfadhigii labaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

12/16/2017 6:43 AM EST
Sabti, December, 16, 2017 (HOL) – Garoonka Kubadda Cagta Stadium Koonis waxaa Galabta 3:30 galabnimo ku balansan Kooxaha Kubadda Cagta Jubbaland iyo Galmudug cayaar qeyb ka ah is reereebka Tartanka maamul gobolleedyada.

12/16/2017 6:27 AM EST
Sabti, December, 16, 2017 (HOL) – Xog-hayaha Gaashaandhigga dowladda Maraykanka Jim Mattis ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in dowlada Soomaaliya hormariso sidii looga gudbi lahaa in la musuqmaasuqo gaargaarka ay dowlada Maraykanka siiso ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

12/16/2017 5:55 AM EST
Sabti, December, 16, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degaanka Abal ee gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa maleeshiyaad Mukhtaar Roobow ee halkaasi ku sugan iyo sidoo kale dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

12/16/2017 4:49 AM EST
Sabti, December, 16, 2017 (HOL) - In ka badan 60 qof oo Shacab ah oo dhashay dalka Yemen ayaa ku dhintay duqeyn ay shalay dowladda Sucuudiga ay ka fulisay goobo ay ku sugan yihiin Xuutiyiinta.

12/16/2017 3:41 AM EST
Sabti, December,16, 2017 (HOL)- Madaxwayanahii Hore ee Maamulkii Xibin Xeeb Maxamed Cabdulaaahi Aadan Tiicey oo mudo Afar Sano iyo dhawr bilood ku xirnaa dalka Biljim ayaa Isbuucaan dib u helay Xoriyadiisii,

12/16/2017 1:20 AM EST
Sabti, December, 16, 2017(HOL)–Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in la soo xiro Kalfadhiga labaad ee Golaha shacabka, iyadoo Xildhibaanada ay geli doonaan fasax.

12/16/2017 1:00 AM EST
Sabti, December, 16, 2017 (HOL)-Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dowladda Mareykanka ayaa xalay lagu waramayaa in ay duqeyn ka fuliyeen deegaan hoostaga degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

12/16/2017 12:44 AM EST
Sabti, December, 16, 2017 (HOL)-Ugu yaraan 65 qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay xadka ay wadaagaan dowlad degaanada Oramada iyo Soomaalida ee dalka Itoobiya.