4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2017
Kalfadhiga Labaad ee golaha Shacabka oo maanta la soo xirayo

 

Sabti, December, 16, 2017 (HOL) –Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in la soo xiro Kalfadhiga labaad ee Golaha shacabka, iyadoo Xildhibaanada ay geli doonaan fasax.

Prof Maxamed Cismaan Jawaari guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay in 16-ka bishan la soo xiri doono kulamada baarlamaanka.

Kalfadhiga labaad oo soo bilowday bishii July ayaa tan iyo xilligaas waxaa yeeshay kulamo fara badan oo lagu ansixiyay hindise sharciyeedyo kala duwan, oo uu ka mid yahay hindise sharciyeedka Isgaarsiinta.

Sidoo kale waxaa Golaha Shacabka horyaala dhowr hindise sharciyeed oo maray Akhrinta koowaad iyo labaad, waxaana hindise sharciyeedyada hor-yaala golaha shacabka ka mid ah sharciga la dagaalanka Argagixisada.

Waxaa la filayaa in Xildhibaanada baarlamaanka ay fasax ku maqnaadaan illaa bisha March ee sanadka 2018, xilligaasoo dib loo furi doono kalfadhiga 3aad.

Kulanka maanta ay yeelanayaan Xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa warbixin looga dhageysan doonaa Guddiga Dastuurka ee Labada Gole.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]