4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 15, 2017
Kooxaha Kubadda Cagta Puntland iyo Koonfur Galbeed oo 1-1 ku kala baxay

 

Jimco, December, 15, 2017 ( HOL) – Kooxaha Kubadda Cagta Koofur-Galbeed iyo Puntland ayaa Cayaar siweyn loo wada sugayay galabta ku kala baxay 1-1, taasoo ka dhigan in Hirshebeelle isaga hartay Tartanka madaama rajadoodu ay ku xirneyd kulanka maanta.

Ciyaarta ayaa waxaa goolka ku hormartay xulka Koofur-Galbeed iyadoo qeybtii hore ay ku soo dhamaatay 1-0.

Hasse ahaatee qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa dadaal ay sameeyeen xulka Puntland waxaa u suurtogashay inay goolka barbarada ah dhaliyaan.

Xulka Puntland ayaa waxaa kulanka Semifinalka ah ay isku soo beegmeen xulka gobolka Banaadir halka xulka Koofur-Galbeed uu la ciyaari doono xulkii soo badiyay Galmudug iyo Jubaland kulanka ay yeelan doonaan maalinta Berri ah,

Taranka ciyaaraha dowlad goboleedyada oo ay maamuleyso Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa si xiiso iyo xamaasad leh ugaga socda garoonka Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]