4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 15, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Amiirka Qatar

 

Jimco, December, 15, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la kulmay Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.

Kulanka ayaa ka dhinac qabsoomay, intii uu socday shirkii aan caadiga aheyd ee ay isugu yimaadeen Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Waxaa kulanka dib loogu eegay xiriirka labada dal iyo qaabka loo xoojin karo, loona hormarin karo.

Sidoo kale waxaa intaas dheer in kulanka looga hadlay mowduucyo dhowr ah iyo danaha ay labada dal wadaagaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay taageerada Amiirka Qatar u fidiyay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, si loo abuuro jawi nabadgelyo iyo xasilooni dowladeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay dadaaladaay Qatar waday iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fulineyso Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Wafuuda labada dhinac ka socday, sida Amiiro iyo xubno Wasiiro ah.

Dowladda Qatar ayaa dhowaan ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka fulin doonto mashaariic ku baxeysa lacag gaareysa 200 milyan, waxaa mashaariicda qeyb ka ah dhismaha waddooyinka isku xira Muqdisho iyo gobolada deriska la ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]