3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 14, 2017
Madaxweynaha cusub ee Somaliland oo ku dhawaaqay golihiisa Wasiirada Akhriso

 

Khamiis, December, 14, 2017 (HOL) – Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay xubnihiisa golaha wasiiradda maalin kaddib markii loo dhaariyay xilka madaxweynaha munaasabad shalay ka dhacday xarunta madaxtooyada.

Golaha wasiiradda cusub ayaa waxaa ka dhax muuqda oo dib u soo noqday Afar Wasiir oo horey uga tirsanaa xukumadii Siilaanyo kuwaa oo kala ah,Dr Sacad Cali Shire wasiirka arrimaha dibadda, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed  wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare Wasiirkii Deegaanka Somaliland, iyo Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo loo magacaabay Wasiirka  Waxbarashada, laakiin horay u ahaa wasiirka arrimaha Gudaha

Akhriso Magacyada xubnaha golaha wasiiradda cusub :

   

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/14/2017 3:42 PM EST
Khamiis, December, 14, 2017 (HOL) – Mareykanka ayaa shaacisay in uu joojiyay gaargaar isugu jiray cuno iyo shidaal uu siin jiray militariga Soomaaliya arintan oo lala xiriirinayo musuq maasuq iyo wax is daba-marin.

12/14/2017 10:44 AM EST
Khamiis, December, 14, 2017 (HOL)–Ku-simaha Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jen Mukhtaar Xusseen Afrax ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay weerar ismiidaamin ah oo saakay lagu qaaday Dugsiga tababarka Booliiska ee Gen Kaahiye.

12/14/2017 5:24 AM EST
Khamiis, December,14, 2017 (HOL) – Taliska ciidamada ee Africa,ayaa codsaday in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo weerarkii bishii August ka dhacay deegaanka Barriire hadii ay jiraan dad rayid ah oo lagu dilay.

12/14/2017 3:25 AM EST
Khamiis, December, 14, 2017 (HOL) – Iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba ay soo baxayeen warar sheegaya in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya saxiixeen mooshin ka dhan ah madaxweynaha, ayaa markii ugu horeysay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka waxaa uu sheegay in uu laabtay mooshin uu horay u saxiixay.

12/14/2017 2:08 AM EST
Khamiis, December, 14, 2017 (HOL)–Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerar loo adeegsaday qof Ismiidaamiye ah oo saakay ka dhacay Dugsiga Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

12/14/2017 1:09 AM EST
Khamiis, December, 14, 2017 (HOL)–Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha Qarxa oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay Xarunta School Polizio ‘’ Gen Kaahiye’’ ee magaalada Muqdisho.

12/14/2017 12:36 AM EST
Khamiis, December, 14, 2017 (HOL) –Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saddexdii cisho ee la dhaafayba ku dagaalamaya qeybo ka mid ah degmada Kaaraan, waxaana la sheegay in dagaalkan ay ku dhinteen ilaa saddex Askari oo ka wada tirsan ciidamada dowladda.

12/14/2017 12:11 AM EST
Khamiis, December, 14, 2017 (HOL) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxay Qarax subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay Barxadda School Polizio oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed.