4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 14, 2017
Faah faahin ku saabsan Qarax ka dhacay xarunta School Polizio ee magaalada Muqdisho

 

Khamiis, December, 14, 2017 (HOL) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha Qarxa oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay Xarunta School Polizio ‘’ Gen Kaahiye’’ ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan oo laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in uu sababay dhimashada tiro ka badan 10 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Booliiska goobta ku sugnaa waqtiga uu Qaraxu dhacay.

Qof tagay goobta uu qaraxa ka dhacay oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in uu arkay tiro badan oo ka mid ah meydadka Askar ka tirsan ciidamada Booliiska laakiin ma uusan sheegin tiro dhimasho oo rasmi ah.

Askari ka mid ahaa ciidamada Booliiska oo goobta joogay oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu arkay dhimashada 7 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo loo qaaday goobaha caafimaadka.

Ciidamada la bartilmaameedsaday ayaa la sheegay in ay u diyaar garoobayeen 20 December oo ku beegan Aas Aaska ciidamada Booliiska Soomaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]