Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay in Quddus tahay caasimada Falastiin
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) - Magaalada Istanbul ee
Turkiga waxaa ka furmay shir madaxeedka waddamada Islaamka oo ay kaga hadlaan
jawaabta ay ka bixinayaan go’aankii dhowaan madaxweynaha Maraykanka Donald
Trump uu magaalada Jeresalem ugu aqoonsaday caasimaddda Israa’iil.
Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan oo xilligan haya guddomiyennimada
madaxda waddamada Islaamka ayaa cambaareeyey go’aankaasi, waxaana uu ugu baaqay
Maraykanka in laga laabto.
Hadal uu ka jeediyay kullanka Ururka Iskaashiga Islaamka
ayuu ku sheegay in go'aanka Mareykanka uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda
Israa'iil in uu yahay "waxba kama jiraan".
Madaxdii ka qeybgashay kulanka ayaa ku tilmaamay hadalkii
ka soo yeeray madaxweynaha dalka Mareykanka in uu ahaa mid aan marnaba faa’iido
u laheyn nabada Bariga dhexe, iyaga oo intaa ku daray in go'aanka Trump
uusan meelmar noqon karin.
Magaalada Qudus waxay xuddun u tahay dagaalka ka dhex
taagan Falastiin iyo Israa'iil, waxaa ku yaalla goobo barakeysan oo ay aaminsan
yihiin Muslimiinta, Masiixiyiinta iyo Yahuudda.
Shirka waxaa dhinaca Soomaaliya uga qeybgalay
madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]