4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2017
Muuse Biixi : Shantii Soomaaliyeed Soomaaliya oo kaliya ayaa ka maqan munaasabadan caleemo saarka


Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Cusub ee Somaliland ayaa sheegay in shantii Soomaaliyeed ay Soomaaliya oo kaliya ka maqnayd munaasibadda caleemo saarka, waxaanu taas ku sababeeyey in aanay Somaliland u aqoonsanayn qaran madax banaan.

Sidoo kale, waxa uu Soomaaliya usoo jeediyey si ay dalkeedda wax ugu qabato oo ay ka madax banaanaato ku tiirsanaanta beesha caalamka iyo ciidamada shisheeye.

Sidoo kale, madaxweynaha Cusub waxa uu sheegay in aanay beesha caalamku wax deyn ah ku lahayn arrimaha Somaliland, isla markaana ay kaligeed isku filnaatay oo ay hawlaheeda qabsatay.

“Waxaan leeyahay dalalka soomaaliyeed Jabuuti, qaybta Itoobiya, qaybta Kenya, Somaliland waxa inaga dhiman qaybtii Muqdisho oo ay ahayd iyaguna iyagoo qaranka Somaliland ictiraafsan inay ka soo qaybgalaan, waxaana filayaa indhowaan ka soo qaybgali doonaan oo aanu iskaashan doonno anagoo dad iyo dhaqanba wadaagno laakiin ay suuroobi wayday in aanu dal wada noqono duruufiihii dhacay awgeed dabadeedna nin waliba dawldiisa uu gaar u dhistay, iyagana waanu u duceynaa inay dhibaatadda ka baxaan, anagana ha nagu hambalyeeyaan horumarkayga aanu gaadhnay.”ayuu yidhi madaxweynaha Cusub Biixi.

Mar uu ka hadlayey sida uu arko xilkan loo doortay iyo culayskiisa waxa uu yidhi “Waxaan dareemaya culayska uu leeyahay xilkan la ii dhiibay, waxaana xasuusanaya wixii dhibaato ah ee loo soo maray qarankeena, sharafta aynu ku jirno waa dhigii dadkii naftoodda usoo huray ilaa daraawiish illaa SNM”.

Sidoo kale, waxa uu hadlay in aanay beesha caalamku wax badan ku darsan Somaliland, waxaanu yidhi “caalamka waxaan u sheegayaa in aanu deyn nagu lahayn oo aanu Baanka aduunka ee weyni na caawinin, Baanka Afrika iyo Baanka Islaamka midkoodna naga caawinin doorashooyinka anaga iyo ilaahay uunbaa isku tashannay”.

Mar uu fariin u dirayey Soomaaliya waxa uu yidhi “ walaalahayga Soomaaliya joogana waxaan u sheegayaa inay isku tashadaan oo ay kabaxaan ku tiirsanaanta dawlaha shisheeye iyo ciidamo ajanabiga ah”.

Dhinaca kale, waxa madaxweynaha cusub la dardaarmay madaxweynihii xilka ku wareejiyey Axmed Siilaanyo, madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin , waxa kale oo madasha kahadlay xubno ka mid ah weftiga ka yimid dalalka Jaarka, iyadoo masuuliyiin ka kala yimaadeen dalka Jabuuti, Kililka shanaad ee Soomaalida, fadaraalka Itoobiya iyo haweenay xildhibaanada oo ka socotay dalka Kenya, kuwaas oo dhamaantood soomaali ahaa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.