4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2017
Xildhibaannada Baarlamaanka oo meelmariyay Miisaaniyada Dowladda sanadkan 2018ka

 

Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2018, kaddib markii dood adag ay ka yeesheen Miisaaniyadda oo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Kulanka Baarlamaanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Ibraahim Muudey ayaa waxaa soo xaadirtay 164 Xildhibaan.

Dood Xildhibaanada ka yeesheen Miisaaniyaddan oo dhowaan Guddiga Maaliyadda warbixin ka soo diyaariyay ayaa ugu dambeyn cod gacan taag loo qaaday.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudey ayaa ku dhawaaqay natiijada codka, waxaana uu xusay in 162 Mudane ay ogolaatay, waxaa ka aamusay 1 Xildhibaan, halka xildhibaan kalana uu diiday.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle oo markii la ansixiyay ka hadlay ayaa soo dhoweeyay ansixinta Miisaaniyadda, isagoo ku tilmaamay tallaabo wanaagsan.

Miisaaniyadda 2018 ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaareysa lacag dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).

Miisaaniyaddii hore ayaa ahayd 260 milyan, Farqiga u dhaxeeya labada miisaaniyadood ee 2017 iyo tan cusub ee 2018 ayaa ah 14 milyan oo micnaheedu yahay 5.63% ayaa ku korortay Miisaaniyada cusub ee 2018.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]