4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2017
Madaxweyne Siilaanyo oo xilka si rasmi ah u wareejiyay


Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw xarunta madaxtooyada Somaliand ku soo dhamaatay Munaasabad ballaaran oo ay xilalka kula kala wareegayeen madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo madaxweynaha cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi.

Munasabada oo aheyd mid heerkeedu sareeyo ayaa waxaa ka qeybgalay wafuud ka kala soctay dowladdaha dariska nala ah, sida Jabuuti, Itoobiya, Kenya Uganda iyo waliba wakiilada beesha caalamka intooda badan.

Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabada ayaa kula dardaarmay madaxweynaha cusub in uu isku hayo sida uu hadalka u dhigay shacabka reer Somaliland oo dhamaantoodba uu u noqonayo madaxweyne shanta sano ee soo socta.

Sidoo kale madaxweynaha cusub xilka la wareegay Muuse Biixi Cabdi ayaa balanqaaday in uu si daacad ah u gudan doono waajibaadka la saaray islamarkaana shanta sano ee soo socta ku hogaamin doono Somaliland niyad wanaag iyo hormar.

Xubnihii kale ee ka qeybgalay xil wareejinta waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland  Daahir  Riyaale Kaahin, madaxweyne ku-xigeennadii soo maray Somaliland, guddoomiyayaasha labada gole,  guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Somaliland Feysal Cali Waraabe iyo Prof Cali Khaliif Galeyr oo ah hogaamiyaha maamulka Khatumo.

Waxaa ka maqnaa oo aan soo xaadirin munaasabada xil wareejinta guddoomiyaha Xisbiga Wadani C/raxmaan Cirro oo ahaa shaqsigii ay sida weyn doorashada ugu tartameen madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi.

Faah faahin intan ka badan waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]