4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2017
Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose

 

Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Taliska Ciidamada Mareykanka Africa ee (AFRICOM) ayaa war ka soo saaray duqayn xili dambe oo habeen ka hor ka dhacday deegaanka Mubaarak oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay Mareykanka in weerarkaasi uu yahay mid lagu taageeraayay Ciidamada Isbahaysiga, loogana hortagey khatar ka dhan ah bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

AFRICOM wuxuu meesha ka saaray in weerarkaasi uu khasaaro u gaystay dadka rayidka ah, wuxuuna ku hanjabay in ciidamada Mareykanka ay sii wadi doonaan tallaabooyinka ugu haboon ee lagu sugayo amniga.

“Ciidamada Mareykanka waxay sii wadi doonaan inay adeegsadaan tallaabooyinka ugu haboon ee lagu ilaalinayo ammaanka muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo xididada loo siibayo halista argagixisada” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay AFRICOM.

Waxaa kaloo lagu yiri “Waxaa sidoo kale qayb ka ah iskaashiga ciidamada AMISOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya, kuwaa oo ku mideysan hawlgalada ka hortagga argagixisada, laguna beegsanayo goobaha ay argagixisada ku tababartaan, meelaha ay ku dhuumaaleystan ee Soomaaliya iyo guud ahaanba gobolka.”

Ururka Al-Shabaab, ayaa shalay soo bandhigay sawirro muujinaya gaari caasi ah oo sida ay sheegeen lala eegtay duqeyntii ka dhacday deegaanka Mubaarak, oo siday khudaar, waxayna Al-shabaab beeniyeen in duqayntaasi lala eegtay xubno iyaga ka tirsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]