4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2017
Midowga Yurub oo ku gacan seyray in Quddus caasimad u tahay Israa’iil

 

Talaado, December, 12, 2017 (HOL) – Ururka Midowga Yurub ayaa ku gacan seyray dalabka ah in Quddus loo aqoonsado in ay noqonto caasimada Israa’iil kaddib go’aankii dhawaan uu arrintaan ka qaatay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

Madaxa Siyaasada Midowga Yurub Federica  ayaa hadalka ka sheegtay kaddib  kulan ay la qaadatay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, oo doonayay in EU ay taageerto go'aankii Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimaddooda.

tallaabadii madaxweyne Trump waxaa ka dhashay caro iyo dhalleeceyn caalami ah. Dalalka Islaamka ayaa si adag u dhalleeceeyay tallaabadaasi uu qaaday Madaxweynaha Mareykanka.

Ms Mogherini, oo ka hadlaysay shir jaraa'id oo si wada jir ah Brussels ugu wada qateen ayada iyo Netanyahu, ayaa tilmaamtay in midowga Yurub uu sii wadayo in uu aqoonsado "go'aanka caalamiga ah" ee Qudus ku saabsan.

"Waa in aan dhahaa in Ra'iisul wasaare Netanyahu uu ka arkay wasiirada in Midowga Yurub u dhan yahay arrintan. Xalka keliya ee suuragalka ah ee dagaalka loo helo, waa midka dhexmaraya Israa'iil iyo Falastiin, kuna saleysan laba dal oo caasimad ay u tahay Quddus."

"EU iyo dalalka xubnaha ka ah waxay xushmeynayaan go'aanka caalamiga ah ee Quddus illaa xal laga gaarayo khilaafka goobaha barakeysan, oo loo marro wadahadal toos ah oo ay yeeshaan labada dhinac".

Hadalka Trump ayaa waxaa ka hor yimid madaxda dowladdo badan oo caalamka ah iyo Ururro Caalami ah oo ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Trump mid sii hurineysa colaada markii horeba ka aloosneyd Bariga Dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]