Kenya oo ka jawaabtay warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobey
Talaado, December, 12, 2017 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa ka jawaabtay eedeymo ku
saabsan warbixin cusub oo Qaramada Midoobay soo saartay oo sheegaysa in
ciidamadeeda ay mas’uul ka yihiin 36 dhimasho oo rayid ah oo ku nool Soomaaliya
muddo 22-bil ah.
Warbixinta QM ayaa Axaddii sheegtay in weerarrada hawada ay fulinayaan
Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen 42 qof oo
rayid ah (36 qof oo ay ku dhinteen iyo lix dhaawacantey).
Hawlgalka Qaramada Midoobey ee taageerada Soomaaliya (UNSOM) iyo Xafiiska
Xuquuqda Aadanaha ee QM, oo wadajir u soo uruuriyey warbixinta, ayaa sheegay
ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM in ay mas'uul ka yihiin dilka
dad rayid ah.
Warbixinta ayaa sheegtay in sidoo kale ururka Al-Shabaab ay mas’uul ka
tahay saamiga ugu badan ee dhimashada dadka rayidka ah ee Soomaaliya, oo ay ku
jiraan 512 oo dhimasho ah, kaasi oo ka dhashay qaraxii Zoobe, 14-kii October.
Jawaab rasmi ah oo laga soo daabacay warbixin 56-bog ka kooban Safaaradda
Kenya ee Muqdisho ayaa waxey ku doodday eedeymaha ah in ciidamada KDF ay
mas’uul ka yihiin dhibaatooyinka shacabka rayidka ah ee Soomaaliya ay yihiin
kuwo aan lagu sameyn baaritaano xaqiiqo ah.
Sidoo kale jawaabta ay wakiilka ka tahay xukuumadda Kenya ayaa beenisay in
ay jiraan cutubyo Kenyan ah oo ka howlgala meel ka baxsan ciidanka AMISOM.
Waxay kaloo Kenya sheegtay waligeed in aysan helin wax cabasho ah oo ku
saabsan dhimashada rayidka ah ee ka dhanka ah KDF waxayna Kenya tilmaamtay in aysan xaq u laheyn
shaki, balse loo baahan yahay in la keeno war xaqiiqo ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]