4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 11, 2017
Banaadir oo 3-0 ku dhufatay Xiddigaha Galmudug cayaar qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada

 


Isniin, December, 11, 2017 (HOL) – Kulankan oo qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada ayaa waxaa ku awood sheegtay xulka Kubadda Cagta gobolka Banaadir kaddib markii ay 3-0 ku dhufteen Xiddigaha Galmudug.

Bilowggii hore ee Cayaarta waxaa Rigoore hellay Kooxda Kubbada Cagta gobolka Banaadir kaddib markii uu qalad gallay Kabtanka kooxda kubadda Cagta Galmudug, waxaana rigoorahaa ka faa’ideystay cayaatooyda gobolka Banaadir oo helay Goolkoodii ugu horeeyay, waxaa xusid mudan in calaamada Casaanka ah la siiyay cayaartana laga saaray Kabtankii Xiddigaha Galmudug kaddib markii uu gacanta ku soo celiyay Kubad loo filayay in ay dhalan laheyd.

Lugtii danbe ee Cayaarta markii leysugu soo laabtay Banaadir waxaa u suurtagashay in ay hellaan Labo Gool taasoo ka dhigtay natiijada 3-0 oo ay ku adkaadeen xulka Gobolka Banaadir.

Labo ka mid ah Goolasha ay ku badiyeen Banaadir waxaa u dhaliyay Weerar Yahankooda CabdiMajiid oo guud ahaan intii uu tartanku socday u dhaliyay kooxdiisa Saddex Gool.

Maalinta Berri ah waxaa cayaar xiiso badan yeelan doona Xiddigaha Hirshabeelle iyo Puntland waana Cayaar siweyn isha loogu wada hayo, madaama Puntland ay u noqoneyso Lugtii ugu horeysay intii uu Tartanku socday halka Hirshabeelle oo horey looga soo badiyay ay cayaari doonaan Lugtoodii labaad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]