3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 11, 2017
Hay’adda la dagaalanka Musuqmaasuqa ee AAC oo sheegtay in musuqmaasuq baahsani ka jiro Somaliland

 

Isniin, December, 11, 2017 (HOL)- Hay’adda madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa (Action for anti corruption (AAC) ) ayaa sheegtay in Somaliland ay ragaadisay musuqmaasuq baahsan, taas oo sababtay in cid kasta gungurayso inay xil ka qabato si uu dhaqaale uga urursado.

Hay’ad amdaxa banaan la dagaalanka musuqmaasuqa (AAC ) oo fadhigooddu yahay magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil ayaa sheegtay in musuqmaasuq baahsani ka jiro Somaliland,isla markaana siyaabo kala duwan uu u dhaco musuqmaasuqaasi.

“Somaliland waxaa ragaadiyey oo naafeeyey horumarkeeddi bulsho iyo keedi dhaqaalaba aafada musuqmaasuqa oo xalaal ka dhex noqotay hay’adaha dawladda ee kala duwan, iyadoo musuqmaasuqu noqday wax aan layskula yaabin balse loo tartamo oo laysku amaano.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed uu ku saxeexna madxa hay’adan madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Waxaana intaas ku dareen “Waxa jirta in madaxdda dawladu iyadoo aan la ogayn hantidd gaarka ah ee ay leeyihiin xil loo dhiibo, isla markaana iyadoon lala xisaabtamin xilka laga qaado ama ay iskood iskaga casilaan, taas oo qayb weyn ku leh in lagu dhiirado xilalka dawalda si looga faa’iidaysto.”

Maanta Somaliland inkastoo aynu gaadhnay horumar nabadgalyo oo baaxad leh mid kala dambayn maamul iyo horumar xadidan oo dhinaca dhaqaaalah ah hadana waxaynu safka hore kaga jirnaa wadamada uu ragaadiyey, isla markaaana uu curyaamiyey musuqmaasuqa iyo maamul xumadu, iyadoo aanay jirin cid xil iska saartay in aafadan wax laga qabto lana diyaarin siyaasada cad oo laga leeyahay la dagaalanka cudurkan khadarta badan ee sida xawliga ah ugu dhex faafaya nidaamka dawladnimada e wadanka.”ayuu yidhi Cabdnaasir Maxamed Xuseen oo ah gudoomiyaha hay’adan.

Hay’addan madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa waxay qoraalkeedan ku sooo gabogabaysay in dawladdan cusub si weyn ugu rajo weyn yihiin inay wax ka qaban doonto musuqmaasuqa,isla markaana ka duwanaan doonto dawladihii hore Somaliland soo maray.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
12/11/2017 3:04 PM EST
Isniin, December, 11 2017 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa umba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

12/11/2017 1:02 PM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL)–Wariyahan oo ka tirsanaaa Telefishinka Kalsan ayaa galabnimadii maanta lagu dilay Qarax loogu xiray gaarigiisa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

12/11/2017 9:52 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL)-Kulankan oo qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada ayaa waxaa ku awood sheegtay xulka Kubadda Cagta gobolka Banaadir kaddib markii ay 3-0 ku dhufteen Xiddigaha Galmudug.

12/11/2017 7:14 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL) -Mudaneyaasha baarlamanka Jubaland ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday la xisaabtanka wasiirada wasaaradaha kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland, kuwaa oo la weeydiinayay su'aalo la xiriira waajibaadkooda.

12/11/2017 6:35 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL)–Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday in Quddus ay tahay Caasimadda Israel.

12/11/2017 3:46 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Gadiid Xamuul ah oo Al-shabaab ay ku gubeen deegaanka Maroodile oo ka tirsan magaalada Beledweyne.

12/11/2017 2:54 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL)-Munaasabad ay ku qalin jabinayeen 558 Arday oo ka baxay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda SIU ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

12/11/2017 2:26 AM EST
Isniin, December,11, 2017 (HOL)-Isbahaysiga Mucaaradka dalka Kenya ee magacooda loo soo gaabsho NASA ayaa dib u dhigay dhaarinta musharaxooda Madaxweyne, Raila Omolo Odinga.

12/11/2017 2:08 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL) Madaxtooyada Soomaaliland ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay warar saacadihii ugu dambeeyay oo soo baxay, kuwaasi oo ku aadanaa in xanibaad dadban la saaray Wasiirada Maamulkaasi.

12/11/2017 1:47 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL) – Magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhaw ayaa 48 ee la soo dhaafay waxaa lagu dilay ku dhawaad Shan ruux oo u badnaa shacab, xili ciidamada dowladda Soomaaliya wadaan howlgalo Amniga lagu xaqiijinayo.

12/11/2017 1:39 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL)-Hay’adda dhalaanka aduunka UNICEF ayaa ugu baaqday shirkadaha dhanka Tiknoolajiyada in ay qaadaan tillaabooyiin dheeraad ah oo da’yarta loga ilaalinayo waxyeelada internetka.

12/11/2017 1:10 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL) - Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale waxaa la horgeynayaa Miisaaniyadda dowladda 2018.