4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 11, 2017
Somaliland oo beenisay in ay jiraan wasiirro xanibaad lagu soo rogay

 

Isniin, December, 11, 2017 (HOL) Madaxtooyada Soomaaliland ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay warar saacadihii ugu dambeeyay oo soo baxay, kuwaasi oo ku aadanaa in xanibaad dadban la saaray Wasiirada Maamulkaasi.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Cige Deyr oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay wararka sheegaya in Madaxtooyada laga celiyay Wasiiro, sidoo kalena loo diiday in ay ka duulaan Garoonka.

Wuxuu ka digay dadka wararka been abuurka ah ee sal iyo raad midna aan laheyn ku marin habaabinaya bulshada, wuxuuna tilmaamay in hada masuuliyiinta ay wataan shaqadooda.

13-ka bishan December ayaa wuxuu qorshaha yahay in Magaalada Hargeysa ay ka dhacdo xil wareejinta Madaxweynaha Somaliland, kaddib markii Muuse Biixi Cabdi uu ku guuleystay Doorashadii 13-kii November ka dhacday Somaliland, waxaana socota qaban qaaabada Munaasabadan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]