4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 11, 2017
Hay’adda UNICEF oo ka digtay Carruurta isticmaasha internetka

 

Isniin, December, 11, 2017 (HOL) - Hay’ada dhalaanka aduunka UNICEF ayaa ugu baaqday shirkadaha dhanka Tiknoolajiyada in ay qaadaan tallaabooyiin dheeraad ah oo da’yarta loga ilaalinayo waxyeelada Internetka.

Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in maalin waliba in ka badan 170,000 oo Carruur ah ay markii ugu horeysay isticmaalaan internetka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ay sare u kacday caruurta isticmaala bogaga wax lagu qor .

Hay’ada caruurta ayaa imika ku baaqaysa in sare loo qaado aqoonsiyada lagu hubiyo da’da dadka isticmaala Internetka.

Warbixinta ay soo saartay UNICEF ayaa soo jeedinaysa in marka Caruurta ay isticmaalayaan baraha bulshada ay shirkaduhu ay heerka ugu sareeyaan gaarsiiyaan ilaalinta macluumaadka gaarka ah ee Carruurta.

BBC