Xarunta Xuququl Insaanka Somaliland oo soo bandhigtay xaaladda Xuquuqul insaanka Somaliland
Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Xarunta Xuquuqul insaanka Somaliland ayaa soo bandhigtay
falalka ka dhanka ah xuquuqda bani’aadamka ah ee sanadkan 2017-ka ka dhacay
Somaliland.
Gudoomiyaha
ururkan Mr:Guuleed Axmed Jaamac ayaa soo saaray warbixin sanadeedka
xaaladda xaaladda xuquuqal insaanka Somaliland waxaana lagu sheegay tacadiyada
ka dhanka ah Wariyeyaasha qaarkood ee ka hawlgalla Somaliland.
Warbixinta
sanadkan 2017 oo ka kooban lixdan bog waa mid ka dhalatay cilmi baadhis laga
sameeyey dhamaan gobolada dalka oo dhan iyada oo la waraystay dadka ay
khuseeyso, islamarkaana la dersay qoraalo muhiim ah.
Warbixintu
waxaa ay ka hadlaysaa dhaqanka adag ee booliiska oo weli u xidha dadka si aan
waafaqsanayn shuruucda dalka u taal. iyada oo aanu jirin xeer dhaqangal ah oo
xanibaya awoodaha booliisku isticmaalo. Xaruntu waxaay diiwangelisay sanadkan
dhacdooyin badan oo booliisku uu gaystay xad gudubyo.
“
Booliiska Somaliland ma laha oo kuma dhaqmo qoraalo qoran oo tilmaamaya habka
iyo goorta uu isticmaali karo xabad. Dadka ay xidhaan waxaay kula kacaan
tacadiyo jidheed iyo kuwo aflagaado iyaga oo isticmaala marka ay dadka
xidhayaan awood xad dhaaf ah. Dadka waxyeelada ka soo gaadhay gacanta booliiska
waxa ka mid ah dad naftooda ku waayahay iyo kuwo ku dhaawacmay.”ayaa lagu yidhi
qoraalka ka soo baxay xaruntan xuquuqul insaanka.
Arimaha
booliiska la xidhiidha ee warbixintu ay ka hadlayso waxa ka mid ah:
=
Saldhigyada booliiska ee buux
dhaafka ah oo ay aad u daran tahay xaaladooda nadaafad, cunto iyo caafimaad;
=
Xadhigga aan loo
haysan waaranka maxkamadeed oo caado ka noqday Somaliland iyada oo garsoorku
aanu ku samayn korjoogtayn booliiska si loo hubiyo inaan lagu tacadiyin
xuquuqda dastuurka ku qoran;
=
Mudada
rumaanka dadka lagu hayo oo aad u dheer;.
=
Qareenada oo
aan loo ogolayn inay saldhigga dhexdiisa kula kulmaan dadka xidhan iyo inay
talo ku dhex siiyaan;
=
Qareenada oo aan
helin mudo ku filan oo ay difaaca ku diyaarsadaan;
=
Cadaymaha
oo aan qareenada iyo dadka la soo eedeeyey la sii siin ka hor intaan dacwaddu
bilaabmin si ay ugu heli karaan fursad ay iskaga difaacaan;
=
Inta badan
dadka la soo eedeeyo qareeno ma laha;
=
Booliiska
iyo ciidanka qaranka oo awood xad dhaaf ah isticmalaay mudaharaadyo dhacay
doorashada kadib, 15 November 2017. Ugu yaraan afar qof way ku dhintaan sagaal
kalaena way ku dhawaacameen mudaharaadyadaas.
=
Dad
loo xidho dacwado madani ah oo ay ka mid tahay dayn.
Arimaha
kale ee warbixintu ka hadashay waxa ka mid ah:
=
Tacadiyada
loo gaysto haweenka iyo hablaha ee ay ka mid yihiin kufsiga, garaacista,
gudniinka;
=
Xuquuqda
qabiilada laga tirada badan yahay;
=
U cago
juglaynta dadka u dooda xuquuqda insaanka;
=
Xadhiga iyo
dacwaynta siyaasiyiinta;
=
Xadhiga iyo
dacwad ku oogista suxufiyiinta iyo sidoo kale xayiraadda goobo warbaahineed.
Sanadkan, 2017, 27 suxufi ayaa la xidhay. Laba ka mid ah dacwad ayaa lagu soo
oogay. Sidoo kale lix shabakadood ayaa la xayiray. Sanadkii hore ee 2016 waxa
la xidhay 28 suxufi iyada oo la xayiray 2 wargays.
Talo
soo jeedin
Xarunta
Xuquuqal Insaanku waxaay dawladda Somaliland kula talinaysaa:
1.
In la cidhib tiro takoorka iyo faquuqa lagu hayo qabiilada laga tiro baan
yahay, lana siiyo adeegyo
2.
In la cidhib tiro tacadiyada ka dhanka ah haweenka, lana ansixiyo xeerarka
ilaalinaya haweenka iyo hablaha ee ay ka mid yihiin xeerka qoyska, xeer
kufsiga;
3.
Inay samayso xeerka lagu cidhib tirayo gudniinka;
4.
Inay joojiso xeerka ciqaabta ee ay ku qaadayso suxufiyinta. Suxufiyiinta oo
xeerka ciqaabta lagu qaadaa waxaay ka soo horjeedda dastuurka iyo Xeerka
Saxaafadda, iyo sidoo xeerarka caalamiga ah. Xeerarka madaniga ah iyo Xeerka
Saxaafadda waa in lagu daaqo arimaha la xidhiidha warbaahinta;
5.
Inay ogolaato in la furi karo warbaahin cusub oo ay ka mid tahay idaacaduhu.
Dawladdu waa inay u soo celiso hanaankii lagu diiwaangelin jiray warbaahinta
cusub islamarkaana ay ogolaato in kuwa jira cid cusub lagu wareejin karo. Sidoo
kale waa in xayiraadda laga qaado wargaysyada xayiran ee Haatuf, Somaliland
Times, al Haatuf al Arabia, Hubsad iyo Codka Shacabka, iyo shabakadaha la
xayiray;
6.
Inay dib u habayn ku samayso Booliiska Somaliland oo ay ka dhigto booliis ay
dacwadihiisa qaadi karaan maxkamadaha caadiga ah iyo inay samayso hanaan
booliiska lagula xisaabtami karo.
7.
Inay joojiso dadka loo xidhayo dacwadaha madaniga ah;
8. Inay joojiso xadhiga iyo haynta sharci darada ah. Waa in xadhiga dadka loo
raaco si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u yaal;
9. Inay hagaajiso xaaladaha saldhigyada boolioska.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.