4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2017
Shirka Aaya ka talinta Beesha Tanade oo magaalada Gaalkacyo ka Furmay (Sawirro)

Axad, December, 10, 2017 (HOL) –Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa galinkii dambe ee shalay ka furmay Shirka ka talinta Aayaha iyo Masiirka beesha Tanade, kaas oo looga hadlayo Arrimaha tabashada Beesha tanade ee ku aadan Puntland.

Shirka furintaankiisii waxaa ka soo qayb galay Isimo, Nabadoon-no, Xildhibaanada Baarlamaanka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xubno ka socday Puntland, Siyaasiyiin. Iyo Aqoonyahanno.

Ugu horayn waxaa shirka furay Cali Ugaas Maxamed, waxaana uu mahad balaaran u celiyay gudiyadii soo qaban qaabiyay shirkaan, soona gaarsiiyay heer uu bilaabmo.

Cali Ugaas Maxamed ayaa Bulshada Beesha Tanade ugu baaqay Midnimo iyo inay waxa ka maqan ku raadsadaan si isku duubnaan ah, isagoona ugu baaqay sidoo kale in Bulshooyinka dariska la ah ay kula noolaadaan Nabadgalyo.

Suldaan Zubery Xaaji Maxamuud iyo Suldaan Maxamed Jaamac Shire oo ka mid ah dhaqanka Beesha Tanade ayaa soo dhaweeyay shirka, waxaana ay sheegeen in Beesha shirkeeda ay u rajaynayaan Guul iyo miro dhal wanaagsan.

‘’Waxaan rajaynaynaa inaan midnimo iyo wada jir u raadsano waxa aan xaqa u leenahay ee nooga maqan Puntland, waxaana beeshu ay shirkeedaan oo mudo soo socday uu daba socdaa shirrarkii ay Garoowe ku qabatay 2016 iyo Sanadkaan 2017’’ Ayuu Yiri Suldaan Maxamed Jaamac Shire.

Labada Suldaan ayaa qiray in shirkaan mudada uu socdo wadatashi laga yeelanayo Arrimo badan.

Cabdi Gaas Maxamed Khaliif  oo ah Xoghayaha Gudiga Farsamada Shirka Tanade ayaa sheegay in shirku heerar kala duwan soo maray, waxaana uu intaas ku daray in shirkaan ay rajaynayaan Go’aamo beeshu ku midaysan tahay inay kasoo bixi doonaan.

Ugu Dambayntii, Xildhibaan Cabdirashiid Daahir Gaboobe oo ku hadlayay Afka Xildhibaanada Dawladda dhexe iyo Siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay shirka, waxaana uu sheegay in ay Mahad u celinayaan Gudiyadii soo shaqaynayay labadii sano ee ugu dambaysay.

Faysal M. Hassan
[email protected]