4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 10, 2017
Iska horimaad ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhaxmaray degmada Hodan ee magaalada Muqdisho

 

Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Ciidamo ka kala tirsan Nabad-sugida dowladda Soomaaliya iyo militariga ayaa ku dagaalamay Isgooyska Tarbuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay ciidamadan Nabad Sugida isku dayeen in ay hubka dhigaan ciidamo militari ah oo halkaa ku sugnaa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arintan la xiriirto muran maalmihii ugu danbeeyay ka taagnaa dhul halkaa ku yaala, taasoo keentay in ciidamo ka tirsan militariga qeyb ka noqdaan khilaafka dhulka ku saabsan.

Hasse ahaatee ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta ee nabad-sugida Soomaaliya ayaa la sheegay in ay isku dayeen in ay qabtaan ciidamada ka tirsan militariga ee goobta ku sugnaa, laakiin taa badalkeeda uu halkaa ka bilaawday iska horimaad sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Lama oga tirada rasmiga ah Askarta wax ku noqotay dagaalka, hasse ahaatee goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen meydka qof haweeney ah oo goobta Shaah ku iibin jirta oo ay haleeshay rasaasta ay is weydaarsaneyeen labada dhinac.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Hodan ee gobalka Banaadir iyo Saraakiisha ciidamada oo ka hadlaya iska horiamaadka maanta ku dhexmaray ciidamada magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]