4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 10, 2017
Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ka soconaya gobolka Baay

 

Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Weerar qorsheysan oo ay ku qaadeen deegaano hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolka.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen weerarkaasi kuwa kalena ay ku dhaawaceen.

Sidoo kale Maamulka waxa uu sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen rag ka tirsan Al-Shabaab intii uu socday weerarka.

Afhayeenka Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Nuuradiin Abuukar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii Al-Shabaab ay kaga saari lahaayeen guud ahaan degaanada koofur galbeed.

Waxaa uu sheegay in ay xoojinayaan weerarada Al-Shabaab lagu qaadayo si looga saaro guud ahaanba deegaannada ay ku sugan yihiin ee gobolka Baay

Afhayeenka Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Nuuradiin Abuukar ayaa sidoo kale Warbaahinta u sheegay in Maamulka ay ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab.

maalmihii dambe ayaa degaanada koofur galbeed waxaa ka dhacaayay dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada maamulka koofur galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]