13 oo ku dhimatay weerar ka dhacay dalka Spain iyo Booliska oo ka hortegay weerrar labaad
Jimco, Augusto, 18, 2017 (HOL) –Ugu yaraan 13 qof ayaa dhimatay halka 80
kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii nin uu gaari jiirsiiyay dad badan oo ku
sugnaa xaafadda Las Ramblas ee caanka ku ah dalxiiska ee magaalladda Barcelona.
Howlgal ballaaran oo uu booliska ka sameeyay waddanka Spain ayaa waxaa lagu
soo gebagabeeyay israsaasayn ka dhacday degmada loo tamashlaha tago ee
Cambrils, ee koonfurta magaallada Barcelona.
Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in shan qof oo looga shakisan yahay inay
argagixiso yihiin oo xirnaa wax u muuqday suumanka la isku miidaamiyo la dilay.
Dowladda gobolka Catalonia ayaa sheegtay in booliska Cambrils uu rasaas
furay kaddib markii ay arkeen dadka weerrarka soo qaaday oo gaari jiirsiinaya
dad marayay wadada hareeraheeda, waxaana halkaasi ku dhaawacmay todobo qof.
Dhacdada ayaa lala xiriiriyay weerrar ay dad badan ku dhinteen oo goor sii
horraysay ka dhacay magaalada Barcelona kaddib markii uu qof gaari uu watay uu
jiirsiiyay dad fara badan oo ku sugnaa wadada Las Ramblas ee magaaladaasi.
Boqollaal dalxiisayaal ah iyo dadka deegaanka ayaa gabbaad ka dhigtay
dukaamo iyo kaniisado, xilli booliska ay bilaabeen inay baacsadaan darawalkii
waday gaariga dadka jiiray.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia