4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2017
Guddoomiyaha Guddiga Garsoorayaasha Xiriirka Kubadda-Cagta ee Soomaaliya oo caawa lagu dilay Muqdisho

 
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) –Kooxo hubeysan ayaa caawa degmada Warta-Nabada ee magaalladda Muqdisho ku dilay Cusmaan Jaama Diraac, oo kamid ahaa xiriirka kubadda-cagta ee Soomaaliya.

Marxuumka, ayaa la sheegay in la dilay isaga oo kasoo laabtay salaadii cishaha ee caawa, waxaana lagu dilay xaafadda Xamar Bile ee degmada Warta-Nabada.

“Allah ha unaxariistee Cusmaan, waxaa uu ahaa "Guddoomiyaha Guddiga Garsoorayaasha ee Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya". Sidoo kalena waxaa uu ahaa xubin ka tirsan guddiga fulinta ee xiriirka”, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay mid kamid ah ragga ay isla shaqeyn jireen Marxuumka geeryooday.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goota isaga baxsaday ka hor inta aysan ciidanka Police-ka soo gaarin goobta.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka guddoomiyihii guddiga garsoorayaasha ee xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya.

Marxuum Cusmaan, ayaa waxaa uu ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay Gobolka Banaadir marka ay timaado ciyaaraha kubadda-Cagta, waxaana uu garsooray kulamo-ciyaareed aad loo tixgelin jiray.

Qaar kamid ah garsoorayaasha xiriirka kubadda-Cagta ee Soomaaliya oo caawa lasoo xiriiray Hiiraan Online ayaa sheegay in ay ka tacsiyeeynayaan geerida Cusmaan Jaamac. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia