4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2017
Wafdi ka socda dowladda federaalka oo goor dhaw gaaray magaalada Jowhar

 

Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) –Waxaa goor dhaw garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ka degay wafdi uu horkacayo wasiirka wasarada arimaha gudaha iyo federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa.

Wasiirka arimaha gudaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya wasiirka amniga Maxamed  Abuukar Isloow Ducaale iyo wasiirka waxbarashada C/raxmaan Daahir Cismaan, kuwaa oo la filayo  in ay kulamo kala duwan la qaataan dhinacyada iska soo horjeeda ee maamulka Hirshabeelle, kaddib xiisadii siyaasadeed ee ka dhalatay kalsooni kala noqoshada madaxweynaha maamulka Cali Cabdullaahi Cosoble oo qaar ka mid ah xildhibaannada Hirshabeelle uga dhawaaqeen Jowhar.

Warkan oo faah faahsan waan idin soo gudbin doonnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]