4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2017
Hargeysa : Cilad ku timid isticmaalka adeega ZAAD-ka oo sababtay in dadka qaar lacagahoodii ka waayaan Mobil-ka

 

Khamiis, August, 17,  2017 (HOL)- Xalay ilaa saaka waxa safaf loogu jiray xarumaha adeegga ZAAD-ka bixiya ee lacagaha mobile lagu shubto oo dadka qaar ka cabanayaan lacagtii mobil-ka ugu jirtay oo ay ka waayeen qaybo ugu jirtay lacagtoodii.

Dad kala duwan oo aan la kulmay ayaa noo sheegay in lacagtii ay Mobilke ugu jirtay ee adeegga ZAAD-ka ka waayeen, hasse ahaatee markii ay shirkadda bixisa adeega ee Telesom u tageena ee ay waydiiyeen lacagtooddii  ugu jawaabeen mas'uuliyiinta in ay cilad farsamo jirto oo lagu guddo jiro in ay farsamadeedii.

“Anigu waxaan waayey 32 dollar, markii aan shirkadda u tagayna waxay igu yiraahdeen systamkii hore ee laga guuray ayeey ku hartay ee waa la hagaajinayaa”ayuu yiri Fu’aad oo ka mid ahaa dadkii ka cabanayey in ay mobilkooda ka waayeen lacagtii ugu jirtay.

Guuleed Cumar oo ka mid ah isna dadka ka cabanaya lacagta uu ka waayey Mobileka ayaa yidhi “kun iyo afar boqol oo aan qof u dirayey ayaa qofkii kale gaadhin anigiina iga baxday, marka ilaa hadda ma garanayo wax aan sameeyo”

Boqolaal dadweyne ah oo reer Somaliland ah ayeey arrintani saamaysay, taasina waxay keentay in dadka qaar walaac ka muujiyaan lacagta Mobileka ugu jirta oo qaarkood lacagtii ugu jirtay kala baxaan.

Adeega ZAAD-ka ee lacagta lagu kala dirsado ama lagu kaydsado ayaa dadweynuhu badankoodda aad u isticmaalaan, hasse ahaatee xalay iyo saaka ayaa dadweynaha jahawareer ka qaaday lacagtan ay moobiladda ugu jirtay ee ay waayeen.

Illaa hadda kama hadal shirkadda haseyeeshee wakhtiyadda soo socda ayaa laga yaabaa inay ka hadli doonaan ciladan ku timid adeega ZAAD-ka ah.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.