4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 17, 2017
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabaab lagu dilay weerar ka dhacay Jilib

 

Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda oo garabsanaya ciidamada dowladda saaxiibada la ah Soomaaliya ku dileen Jubbada dhexe 7 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in raggan la bartilmaameedsaday uu ka mid ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab waxaana uu weerarka ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

“Ciidamadeenu waxay dileen toddoba ka tirsan xoogagga Al-Shabaab oo uu ku jiro hoggaamiye sare oo mas’uul ka ahaa qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda warfafainta.

Waxaa dhawaannahay marka la eego gobollada Koonfurta Soomaaliya sare u kacay weerarrada tooska ah iyo kuwa cirka oo ay geysanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dowladdaha kale ee gacanta ka siiyna iyadoo weerarrada lagu beegsanayo hogaamiyayaasha ka tirsan ururka Al-shabaab.

Dhawaan waxaa dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo ka tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee Al-shabaab iyo aas-aasayaashii Ururka, waxaana uu warbaahinta u sheegay in uu isaga baxay 5 sano ka hor.

Horaanti August, dowladdaha Maraykanka iyo Soomaaliya waxay xaqiijiyeen in hawlgal ka dhacay deegaanka Toora-Toorow lagu dilay madaxii ururka Al-Shabaab u qaabilsanaa magaalada Muqdisho Cali Maxamed Xuseen [ Cali Jabal ]

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]