4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2017
Sacuudiga oo xuduuda dalkiisa u furaya xujeyda ka imaneysa dalka Qatar

 

Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Boqortooyada Saudi Arabia ayaa sheegtay in fureyso xuduuda dhulka ee ay la wadaagto Qatar si ay halkaa uga soo gudbaan dadka u dhashay dalkaas ee soo xajinaya.

Sidda lagu daabacay wakaallada wararka u faafisa Boqortooyada xuduuda Salwa ayaa loo furi doonaa muwaadiniinta Qatar ee doonaya in ay sanadkan soo gutaan acmaasha xajka.

Boqor Salmaan ayaa balan qaaday inay bixin doonaan qarashaadka ku baxaya Xujeyda Sanadkan, iyadoo diyaaradaha Sacuudiga loo diri doono Doxa, si ay u soo qaadaan Xujeyda.

Bishii June dowladdaha Sacuudiga, Masar, Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa sheegay in ay xiriirka u jareen xukuumada Doxa, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto argagixisada.

Waxaa todobaadyadii ugu danbeeyayba soo baxayay eedeymo loo jeedinayay Sacuudiga oo la sheegay in uu is hortaagay xujeyda Qatar ka imaaneysa sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]