4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2017
Mid ka mid ah maxaabiista Soomaaliyeed oo ku xirnaa India oo xabsiga ku geeriyooday

 

Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Mid ka mid ah maxaabiista Soomaaliyeed ku xiran dalka India ayaa lagu waramayaa in uu ku dhintay xabsigii uu ku jiray kaddib xanuunka sokorta oo muddo dheer hayay.

Wiilka dhalinyarada ah ee geeriyooday ayaa magaciisa lagu sheegay Atoor Bashiir Barre oo la sheegay in muddo dheer uu la xanuusanayay cudurka Sokorta.

Xassan Kaafi oo ka mid ah maxaabiista Soomaaliyeed oo ay wada xirnaayeen maxabuuska ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida Atoor oo sida uu sheegay mudadii uu xirnaa la xanuusanayay cudurro kala duwan oo ay Sokorta ugu horeyso, isaga oo waayay ayuu yiri daryeel caafimaad.

Horay ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen labo ka mid ah Maxaabiista dowladda Hindiya ay u heysato falalka burcadbadeednimo.

Horay ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen labo ka mid ah maxaabiista dowladda India ay u heysato falalka burcad-badeednimo.

Dalka India ayaa waxaa ku xiran dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaareysa 118, waxaana dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii dhalinyaradaasi Muqdisho loo keeni lahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]