4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2017
Daawo: Kooxda Real Madrid oo guul muhiim ah ka gaartay naadiga ay xifaaltamaan ee Barcelona

 
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) –Kooxda Real Madrid ayaa mar kale dhinaceeda dhulka dhigtay naadiga ay xifaaltamaan ee Barcelona, kadib markii 2-0 lagu garaacay xalay.

Laba gool oo ay qeybtii hore ciyaarta kala dhaliyeen Maco Asensio iyo Karim Benzema ayaa guul weyn siiyay Real Madrid kulankii lugta labaad ee supercopa de Espana.

 

Ciyaarta ayaa waxaa ay ka dhigneed iney isku cel-celis ahaan ku guuleysatay kooxda Real  5-1. Lugtii hore ee ka dhacday ee Camp Nou waxey kusoo dhamaatay 3-1. waxaana goolashaas kala dhaliyay Benzema iyo Marco Asensio

Messi, ayaa xalay waxaa ka muuqanayay niyad jab xooggan waxaana ay u muuqaneysaa in kooxda ay xusuusato laacibkoodii dalka Braziil ee Nymar.

Halkan ka Daawo goolasha


Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia