4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 16, 2017
Raila Odinga oo maxkamada sare geynaya dacwad ka dhan ah doorashadii dhawaan dhacday ee dalka Kenya

 

Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) - Raila Odinga hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya ee dhawaan looga guuleystay doorashadii madaxtinimada Kenya ayaa ku dhawaaqay in uu maxkamadda ugu sareysa dalkaas uu la aadi doono dacwad ka dhan ah natiijadii doorashada madaxtinimada Kenya ee todobaadkii hore lagu dhawaaqay.

Raila Odinga oo shir jaraa’id qabtay maanta ayaa sheegay in doorashadii dhacday 8-dii bishan loogu shubtay Uhuru Kenyatta oo dib dambe loo doortay.

Xisbiga Odinga ee NASA ayaa horay u sheegay in aysan aadi doonin maxkamadda, balse Odinga ayaa maanta sheegay in go'aankaasi ay qaateen kadib markii ay arkeen ''sida ay dowladda ugu caga-jugleyneysa hay'addaha aan dowliga ahayn ee doonayay in ay maxkamadda geeyaan dacwad ka dhan natiijada doorashada.’’

Raila ayaa horay ugu gacan seyray natiijadii horu dhaca aheyd ee aheyd, isagoo tilmaamay in la jabsaday nidaamkii codeynta ee Computer-ada, isla markaana ay dhacday ku shubasho.

Kormeerayaashii caalamiga ee la socday doorashada ayaa dhowaan sheegay in doorashada Kenya ay u dhacday si cadaalad oo lagu kalsoonaan karo, iyagoo ammaanay Guddiga doorashooyinka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]