4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 16, 2017
Mareykanka “Dowladda Soomaaliya waxaan ku ammaaneynaa fududeynta iyo isa-soo dhiibidda Abu Mansoor”

Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) –Dowladda Mareykanka ayaa dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku ammaantay fududeynta iyo isa-soo dhiibidda hoggaamiyihii hore ee Xarakadda Al Shabaab Mukhtaar Roobow Abuu Mansoor.

“Dowladda Mareykanka waxaa ay taageereysaa nidaamka dowladda Soomaaliya ay waddo oo ah bahdilka saameynta Al Shabaab oo ay kamid tahay isa-soo dhiibitadda hogaamiyaasha sar-sare ee kooxda”, waa sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay dowladda Mareykanka.

Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay taageereyso dib-u-heshiisiinta, xaqiijinta dowladnimadda iyo helidda adeegyadda.

Dhinaca kale dowladda Mareykanka, ayaa ku boorisay dowladda Federaalka ee Soomaaliya in ay sii waddo abuuridda waddooyinka xubnaha Al Shabaab ay ku diidi karaan xagjirnimada uguna soo biiri karaan dadaaladda dib-u-dhiska nabadda dalka Soomaaliya.

Bishii lasoo dhaafay, Mareykanka ayaa liiska Argagixisada ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Abuu Mansoor ayaa ahaa Hoggaamiye ku-xigeenki hore ee Al-Shabaab, sidoo kale waxaa uu mar soo noqday Afhayeenka Al-Shabaab.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga, waxaana madaxiisa dul saarnaa 5 milyan oo dollar.

Dowladda Soomaaliya maxey ka tiri?

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay soo dhoweeneyso, wada-hadalna kula jirto hoggaamiye ku-xigeenkii hore ee kooxda Al-Shabaab Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, oo dhowaan dowladda isku soo dhiibay.

“Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa aasaas u ah in shakhsigii ka waantooba falalka argagaxisnimada ah, doonayana inuu ka qeyb qaato nabadeynta dalka in lasoo dhaweeyo, Sidaas darteed, Dowlada Federaalka Soomaaliya waxey soo dhaweyneysaa Mukhtar Roobow Cali oo Muqdisho jooga, xaqiijiyeyna inuu ka baxay kooxda Al-Shabaab.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda.

Hadalka dowladda ayaa yimid, saacado kadib markii Roobow oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, uu sheegay inuu Al-Shabab ka baxay shan sano iyo toddoba bilood ka hor.

Dowladda waxa ay sidoo kale sheegtay in “iyada oo laga duulayo cafiskii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ay dowladdu ballanqaadeyso inay soo dhoweyneyso cid walba oo ka tanaasusha fikirka Al-Shabaab”.

Waa kuma Abuu Mansuur?

Roboow Abuu Masnuur, ayaa waxaa uu 10-ka bishii October ee sanadkii 1969-kii uu ku dhashay magaalladda Xudur ee caasimada Gobolka Bakool ee Soomaaliya.

Waxaa uu kutubo ka raacan jiray masjidyo ku yaalla magaalladda Muqdishu, halkaas oo uu sidoo kale uu ku noolaa. Sanadkii 1990-kii ayuu Islamic Law uu ka soo bartay jaamacadda Univetsity of Khartoum ee dalka Sudan.

Roboow, ayaa markii dambe kusoo noqday magaalladda Muqdishu waxaana uu la shaqa bilaabay hay’ad la yirahdo Saudi Al-Hamamain Foundation. Markii dambe dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay in uu xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada.

Mukhaar Roboow, ayaa markii dambe ku biiray Maxkamadihii Islaamka, waxaana uu kasoo noqday taliye ku-xigeen, xiligaasi oo ay maamulayeen koonfurta dalka Soomaaliya.

Roboow iyo hogaamiyaal kale oo Al Shabaab ka tirsan hadda, ayaa markii maxkamaddaha ay bur-bureen waxaa ay ku biireen Al Shabaab, halkaasi oo ay kasii wadeen dagaalkooda ay kaga soo horjeedaan dowladda.

Intaasi kadib waxaa uu isaga iyo qaar kamid ah hogaamiyaasha Al Shabaab ay ku fakar noqon waayeen hogaamiyihiin Al Shabaab Abmed Abdi Godan, xiligaasi oo uu khilaafkooda uu ka bilowday magaalladda Barawe bishii June ee sanadkii 2013.

Godane, markii dambe waxaa dilay dowladda Mareykanka. Balse Mareykanka ayaa lacago dul dhigtay Mansuur. Intaasi kadib waxaa uu goostay in uu isaga baxo kooxda Al Shabaab.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia