4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 15, 2017
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay arinta Abuu Mansuur

 

Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in siyaasadeeda gun dhig weyn u tahay soo dhaweynta cid kasta oo ka tanaasusha sida hadalka ay u dhigtay falalka argagixiso.

War -saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa lagu sheegay Dowladda Federaalka in ay soo dhaweyneyso Mukhtar Roobow Cali oo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya jooga, xaqiijiyeyna in uu ka baxay ururka Al-Shabaab.

Warka ka soo baxay wasaarada warfaafinta ayaa lagu sheegay iyada oo laga duulayo cafiskii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ay dowladdu ballan-qaadeyso  soo dhaweynta cid walba oo ka tanaasusha fikirka Al-Shabaab.

Qoraalka ayaa sidoo kale loogu mahad celiyay cid walba oo ka qeyb qaadatay, kaalinna ka geysatay wada-hadalka lala wado Roobow, gaar ahaan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo saaxiibada beesha caalamka.

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa si cad wuxuu u sheegay in uu ka baxay Ururka Al-shabaab, muddo laga joogo shan sano ka hor.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]