4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 15, 2017
Mudaaharaadyo ka dhacay magaalada Laascaanood

 

Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) – Mudaharaad lagaga cabanayo diidamada lacagta shilinka Soomaaliga ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Mudaharaadkan oo meelaha qaarkood rabshado isku rogey ayaan la sheegin wax khasaare ah ka dhashay, ka dib markii dhalinyaro ay weerar dhagxaan ah ku qaadeen meheradaha furan.

Inta badan ganacsiga magaalada ayaa xiran gaar ahaan kuwa ku yaala faras magaalaha, iyadoo mararka qaarkood la maqlayey rasaas  ka dhacaysa suuqa dhexdiisa, taas oo ay ridayeen ciidanka oo isku deyey inay kala dereeriyaan, iyo ganacsatada qaarkood oo iskaga celinayey.

Qaar ka mid ah dadka mudaharaadka wadey ayaa sheegay in ay waayeen waxay wax ku iibsadaan markii lagu diidey lacagtii ay haysteen.

Maamulku illaa hada kama hadlin walow ay jirtey gaadiid codbaahiyaal saaran yihiin oo lagu sheegayey in cidii lacagta diida ay ciqaab la kulmi doonto.

Diidada lacagta ayaa soo bilaabatay bishii hore markii ay soo gashay magaalada lacag duug ah oo laga keenay koonfurta Soomaaliya, waxaana kaloo ay sababtay in qiimaha sarifka doolarka uu kor u kacay, khalkhala geliyey qaabka wax iibka.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool