4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 14, 2017
Madaxtooyada Hirshabeelle oo beenisay go'aankii baarlamaanka ee kalsooni kala noqoshada

 

Isniin, Augusto, 14, 2017 (HOL) –Iyadoo maanta xildhibaannada baarlamaanka dowlad gobolleedka Hirshabeelle ku dhawaaqeen in ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble , ayaa waxaa arintaa beeniyay islamarkaana sharci darro ku tilmaamay madaxtooyada maamulka.

Wasiirka wasaarada warfaafinta dowlad gobolleedka Hirshabeelle Mahad Xassan Cismaan ayaa sheegay in fadhigii maanta gollaha ku sugnaayeen 39 xildhibaan, halka tirada baarlamaanka uu ku furmi karo uu ku sheegay 69 xildhibaan.

‘’ Arimo badan oo is biirsaday ayuu go’aanka sharci darro ku yahay, marka hore baarlamaanka ma aysan joogin xildhibaanno ama kooram ku filan in uu ku furmo, tan kale marka mooshin laga keeno madaxweynaha waxaa uu xaq u leeyahay in muddo 10 cisho ah laga doodo, ma aysan dhicin, sidoo kale 39 xildhibaan oo kaliya ayaa fadhigii maanta ku sugneyn waa tiro marka la eego xitaa aysan sharci aheyn in uu baarlamaanku ku furmo’’ ayuu yiri wasiirka wasaarada warfaafinta maamulka Hirshabeelle.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa intaa ku darray in loo diiday warbaahinta in ay goob joog ka noqdaan xarunta, taasoo macnaheedu noqonayo ayuu yiri in aan la ogoleyn soo bandhigista xaqiiqda goobta iyo tirada xildhibaannada joogay.

‘’ Meel ay aduunyada ka dhacday malaha mooshin ayaa shalay la soo gudbiyay maantana cod ayaa loo qaaday, waad garran kartaa marka in arimaha oo dhan sharci darro iska ahaayeen’’ ayuu yiri wasiirka oo la hadlay Hiiraan Online.

Kulanka maanta ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise, halka labada guddoomiye kale ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]