4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 14, 2017
Mootooyinka Bajaajka oo laga mamnuucay Magaalladda Baydhabo

 
Isniin, Augusto 14, 2017 (HOL) –Ciidamada booliska Magaalladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegay in mootooyinka Bajaajka ama Tuk-Tukleyda laga mamnuucay in ay ka dhex shaqeeyaan magaalladda.

Taliska ayaa arrintaasi sabab uga dhigay arrimo la xiriira dhinaca ammaanka. 

“Iyadoo laga duullaayo qorshaha suggidda ammaanka Magaallada Baydhabo, waxaan mamnuucay mootoooyinka”, sidaasi waxaa yiri Taliyaha Booliska Gobolka Baay Col.Mahad C/raxmaan ayaa sheegay.

Dhinaca kale shalay ayey aheyd, kadib, markii taliska Booliska Magaalladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, uu ku amray dadka ka yimaada deeganada ay maamulaan Ururka Al Shabaab in aysan soo geli karin magaalladda.

“Cidamo badan oo Boolis ah ayaa la dhigay Koontaroolada laga soo galo Baydhabo si ay gaadiidka ugu baaraan”, sidaasi waxaa yiri Col. Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Baay.

Dadka ka yimaada deegaannada Al Shabaab ay maamulaan ayeey ku sheegeen in ay yihiin dad iyaga xiriir la leh.

“Dadka ka soo qaxaya meelaha Shabaab ay joogaan, ma soo gali karaan Magaalladda, waa Kooxda nabad diidka xaasaskooda ama dad iyaga xiriir la leh”, ayuu yiri.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia