Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo si rasmi ah xilka ula wareegay
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) – Ra’iisul Wasaare ku
xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka
qayb-galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Hanti dhowraha cusub ee
Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo dhawaan la magacaabay, waxaana xilka ku wareejiayay ku simaha Hanti dhowraha
Qaranka Cali Abuukar Axmed.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdullaahi Shiikh Cali
Qaloocow, ayaa sheegay in uu si wayn ugu farxsan yahay magacaabista Hanti
dhowraha, maadaama uu yahay nin dhalinyaro ah, sidoo kalena aqoon badan u leh
shaqadda loo dhiibay, waxuuna balan qaaday in ay si dhow uwada shaqeyn doonaan
Wasaaradda Maaliyadda iyo xafiiska Hanti dhowrka dalka.
Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) Hanti dhowraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in
uu ku farxsan yahay xilka loo dhiibay iyo shaqadda uu dalkiisa iyo dadkiisa u
qaban doona, waxuuna u mahed celiyay madaxda qaranka kuwaa soo u gartay in uu
maamulo hantidda shacabka, sidoo kale waxuu iftiimayay in uu wax wayn ka badali
doona wada shaqaynta dawladda iyo xafiiska Hanti dhowrka Qaranka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Hanti dhowraha
Qaranka, waxuuna cadayay in uu yahay mas’uul khibarad dheer u leh xilka loo
magacaabay in muddo ahna ku soo shaqeyay, wuxuuna tilmaamay in uu aqoontiisa
iyo waayo aragnimadiisa uga faa’iidaynayo dalkiisa.
Sidoo kale waxuu sheegay in dawladdu ay biliaabi doonto barnaamijyo lagu
falanqeynayo waxqabadka xukuumadda si looga dooddo waxyaabahii aan la qaban
kuwaa soo ku jiray qorshaha xukuumadda, Hanti dhowruhuna waxuu ka qaadanayaa
qaybta ugu muhiimsan.
“Xukuumaddu waxay bilowday la dagaalanka musuq-maasuqa oo muhiimad wayn u
leh nidaamka uu dalku ku shaqeynayo, waxaana dawladda sal u ah isla xisaabatan
furan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kula
dardaarmay hogaanka cusub in uu si dhow ula shaqeyo dawladda, sidoo kalena uu
la socdo dhaq-dhaqaaqa xukuumadda si loo ogaado hantida dalka shacabkana loo
tuso in aan la iska boobi Karin xoolaha dawladda.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online[email protected]